4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
Golaha Wasiirada oo ka dooday cida qaadanaysa Basaboorka Dublamaasiga


Khamiis, July 10, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay si aad ah uga hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda ammaan ee dalka, iyadoo goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen magacaabista wasiirka amniga Qaranka iyo taliyeyaasha ciidamada booiliska iyo nabad-sugidda oo shalay uu magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Kulankan oo uu shir-gudoominayay ra’iisul wasaare C/weli Sh. Axmed ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa la hadlay warbaahinta, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo ah afhayeenka xukuumadda, isagoo sheegay inuu goluhu ay meel-mariyeen sharciyo muhim u ah dowladnimada Somlia, isla markaana ay soo af-meereen dooddii la xiriirtay maamulka baasaboorka diblumaasiga cidda xaqa u leh qaadashadiisa.

Goluhu wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha dibaddu ay tahay mida go’aanka ka gaaraysa cidda qaadanaysa baasaboorka dublumaasiga ah. Waxaana afahayeenku xusay in arrintan looga gol-leeyahay sidii lagu soo celin lahaa sharafta iyo hannaanka loo marayo qaadashada baasaboorka.

Ra’iisul wasaare C/weli oo kulanka golaha ka hadlay ayaa sheegay is bedelka lagu sameeyay laamaha ammaanka dalka wax badan inuu ka bedeli doono falalka kooxaha uu ugu yeeray nabad-diidka ay geysnayaan.

“Is-bedelkan ay xukuumaddu qaaday wuxuu ujeedkiisu yahay in si dhab ah oo kalsoonidda bulshadu ay ku jirto wax looga qabto falalka liddiga ku ahaa amniga ee nabad-diidku ay geysanayaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare C/weli Sheekh.

Sidoo kale, markii uu goluhu dhegeystay soo-jeedinta wasaaradda Amniga Qaranka, isla-markaana uu dood ka yeeshay ayuu isku raacay ansixinta soo-jeedinta wasaaradda Amniga ee ku aaddan sharciga la dagaalanka argagixisada, iyadoo sharcigan horay loo ansixiyay, balse is-bedello lagu sameeyay qodobbo loo arkay muhiim.

“Way adag tahay in argagixiso laga guuleysto haddii aan si hufan loo qeexin sharcigan oo baahi badan loo qabo, sharcigan wuxuu fursad u siinayaan dowladda inay la dagaalanto kooxaha dalka dhibaatada kawada oo hadda uusan jirin sharci qeexaya qaabka dowladdu u wajahayso dagaalkooda,” ayuu yiri wasiirka Amniga Qaranka.

Ugu dambeyn, golaha wasiirrada ayaa hal darajo dalacsiiyay askarigii fashilayay weerarkii kooxaha argagisadu kusoo qaadeen madaxtooyada dalka oo lagu magacaabo, Maxamed Axmed Cabdi, waxaana sidoo kale abaal-marin la guddoon-siinayaa askartii kale ee howlgalka ka qayb-qaatay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya