4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
Aqoon-isweydaarsi dhanka waxbarashada ah oo lagu soo gabagabeeyay Cayn


Khamiis, July 10, 2014 (HOL) — Aqoon-is-weydaarsi ay ka qayb-galeen maamulayaasha dugsiyada kala duwan ee ku yaalla tuulooyinka iyo degmooyinka gobolka Cayn ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyey dugsiga sare ee Samatar Baxnaan ee magaalada Buuhoodle.

Isku-duwaha wasaaradda waxbarashada Puntland ee gobolka Cayn, C/kariin Maxamed Cilmi oo ka hadlay xafladda xiritaanka aqoon is-waydaarsiga ayaa sheegay in muddo afar maalmood ah lagu bartay buuga xogta dhabta ah ee xarumaha waxbarashada oo ay soo diyaarisay wasaaradda waxbarashada ee Puntland.

Caaqil C/raxmaan Axmed Cali (Suul-cayn) oo ka mid ahaa macalimiintii ka bixinayay tababarka casharrada ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda uu xambaarsanaa aqoon-is-waydaarsigan.

Sidoo kale Sheekh C/raxmaan Ciise oo ka mid ahaa maamulayaashii ka faa'iidaystay aqoon-is-weydaarsiga ayaa wasaaradda waxbarashada ugu baaqay inay ka jawaabto baahiyaha xarumaha waxbarashada marka ay soo gudbiyaan xogta dhabta ah ee buugtii la qaatay.

Agaasimaha waaxda waxbarashada ee wasaarada waxbarashada Puntland, Maxamuud Ismaaciil Finiin ayaa ugu dambayn so gabagabeeyay aqoon-is-weydaarsigaas isagoo xusay inuu yahay mid laga gaaray ujeeddooyinkii laga lahaa.

Aqoon-is-weydaarsigan oo ah mid sannad walba loo qabto maamulayaasha xarumaha waxbarashada ayaa diiradda lagu saaraa sidii loosoo gudbin lahaa xogaha dhabta ah ee ka jira xarumaha waxbarasho kuwasoo ay ugu badan yihiin caqabadaha hortaagan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool