4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
Dadweynaha Gaarisa oo Gacanta ku dhigay Mid ka mid ah Kooxo dil Geystay

Khamiis, July 10, 2014 (HOL) — Dadweynaha magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa ku guuleystay inay nolosha ku qabtaan mid ka mid ah laba dhallinyaro ah oo toogasho ku dilay ganacsade Soomaaliyeed oo ku nool degmadaas.

Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray, Maxamed Indho-buur waxaaa ay kooxaha hubeysan ku dileen gudaha dukaankiisa oo ku yaalla Suuqa Garissa, lama oga sababta rasmiga ah ee kooxahan hubeysan ay ku dileen ganacsadaha.

Dad ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay ayaa u sheegay warbaahinta in kooxaha hubeysan ay ganacsadaha ugu galeen dukaankiisa, ayna toogteen kaddib markii uu muran qadar yar socday dhexmaray.

“Marxuumka waxaa lagu dhuftay dhowr xabbadood, taasoo sababtay inuu gudaha dukaankiisa ku dhinto,” ayuu yiri ganacsade Soomaaliyeed oo ku suganaa suuqa uu dilku ka dhacay.

Kooxaha hubeysan ayaa markii ay isku dayeen inay baxasadaan waxaa eryaday tiro dad ah oo ku sugnaa suuqa, kuwaasoo ku guuleystay inay mid ka mid ah gacanta ku dhigaan ayna si xun u jir-dilaan.

Booliiska magaalada Gaarisa ayaa ugu dambeyn la wareegay gacan ku dhiiglaha la qabtay, kaasoo hadda dhaawacyadii soo gaaray looga daweynayo isbitaalka guud ee magaalada Gaarisa.

Saraakiisha booliiska Kenya ayaa sheegay inay baaritaanno ku sameyn doonaan ninka la qabtay, kuwaasoo ku aaddan sababta ay ganacsadaha u dileen, cidda ay ka tirsan iyo halka ay ka yimaadeen.

Dalka Kenya ayaa waxaa tan iyo markii uu ciidamadiisa u soo diray Soomaaliya ka dhacayay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab, iyadoo kooxdu ay dhawaan ku hanjabatay inay kordhin doono weerarrradaas haddii aysan Kenya kala bixin bixin ciidamadooda gudaha Soomaaliya.

 Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya