4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
Kulan lagu soo bandhigay dhibka Burcad-badeedda oo Gaalkacyo lagu Qabtay

Khamiis, July 10, 2014 (HOL) — Kulan lagu soo bandhigayay muuqaal ka turjumaya dhibaatooyinkii laga dhaxlay falakii burcad-badeedda ahaa ee sanadihii aynu kasoo gudubtay sida xowliga ah uga socday xeebaha dalkeenna Somalia ayaa lagu qabtay magaalada Galakcyo ee xarunta gobalka Mudug.

Madax xafiiska gobalka Mudug ee Somali Anti piracy Center, Xasan Macallin C/llaahi isla markaana ah ururkii soo qaban-qaabiyay kulankan qaybaha bulshada loogu soo bandhigaya muuqaallo naxdin lahaa ayaa ka warramay dhibaatada laga dhaxlay dhal-dhalaalkii lacageed ee dhallinyaradu ay is-tustay.

Axmed Jaamac Qoodeey oo ku hadlay afka dhallinyarada ayaa isaguna sheegay in dhibaato ay kala kulmeen dhallinyarada Soomaaliyeed; balse loo baahan yahay in dhallinyarada la wacyi-galiyo. Sidoo kale, Sahra Cadeed oo ka mid ahayd dadkii ka qayb-galay kualnkaas ayaa tilmaantay in waalidka looga baahan yahay ka war-qabka ubadkooda.

Guddoomiyaha arrimaha bulshada baarlamaanka Galmudug, Cali Baashi Jimcaale (Abti-doon) oo qabiir ku ah badda ayaa bulshadii ka qayb-gashay kulanka u sheegay in badda Soomaaliya keyraadka ku jira ay dhallinyarada iyo bulshada Soomaaliyeed ka badan yahay, wuxuu sidoo kale xildhibaanka ka sheekeeyay sababtii keentay burcad-badeednimada iyo waxyaabihii dhallinyrada Soomaaliyeed ku kalifay in bad-waynta ay u qowleysi tagaan.

Sheekh Maxamed Macallin oo kasoo jeediyay kulanka wacdi aad u taabanayay gabi ahaan dadkii kasoo qaybgalay kluaka ayuu ku sheegay dhibaatooyinka murugada lhe ee laga dhaxlay burcadbadeednimada, isagoo u mahadceliyay SPIC oo isku xil-saartay wacyigalinta dhalliiyarada, wuxuuna ka codsaday inay sii waddo howlaha ay bulshada Soomaaliyeed u hayso.

Taliyaha booliiska Galmudug, Cabdi Jamac Cabdulle (Xabeeb) ayaa dhallinyarada burcad-badeedda ah ku tilmaamay inay qayb ka ahaayeen falalka amaan-darrada ah, isla markaana ay dhibaatooyin u geysan jireen qaybaha bulshada.

Gunaanadka kulanka oo la siiyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cabdisamad Nuur Guuleed ayaa qaybaha bulshada u sheegay in Adduunku uu u soo jeestay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka burcadda badaha, isagoo xusay in loo baahan yahay in xirfado ay ku shaqeysataan la baro dhallinyarada Soomaaliyeed.

Tan iyo markii ay xeebaha Soomaaliya ka billowdeen qafaalka maraakiibta ganacsi iyo doonyaha dalxiiska ah ayaa waxaa jiray in dhallinyaradii is-tustay inay lacago fara badan ka heli karaan burcadnimada, balse taasi waxay noqotay mid dhibaato ay u bedeshay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya