4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
Daraasad sheegaysa sida ay burcad-badeeddu taageero uga hesho bulshada

Khamiis, July 10, 2014 (HOL) — Daraasad cusub oo ay si wadajir u soo saareen Oxford iyo waliba Kulleejada King oo ku yaalla magaalada London ayaa sheegaysa in dagaalka lagula jiro kooxaha burcad badeedda Soomaaliya loo maray hab khaldan.

Kooxaha burcad badeedda ah oo intii u dhaxaysay sanadihii 2005-ta ilaa 2012-kii helay lacag dhan $400 milyan oo dollar ayaan waxba uga faa’idaynin bulshooyinka ay la nool-yihiin sida lagu cadeeyay warbixin ka soo baxay Bankiga Adduunka.

Waxaa daraasaddan ay tilmaamtay in burcad badeedda lagu dhimi karo, iyadoo la hormariyo nolosha dadka kulumaystada ah ,isla markaana ay haboon-tahay in loo dhiso waddooyin iyo xarumo kale oo  kor-u qaadi kara kabaashayooda dhaqaale.

“Sababta ay dadku u  taageeraan burcad badeedda ayaa ah waayo ma haystaan badal kale oo muhiim ah,“ ayuu yiri Fedrico Verese oo ka tirsan Oxford oo BBC-da la hadlay markii la shaaciyay warbixintan.

“In bulshada loo dhiso waddooyin iyo dekado ay ku hormarin karaan xiriirkooda ganacsi, waxay si hubaal ah u yarayn kartaa  taageerada ay mararka qaar siiyaan burcad badeedda.“ ayuu hadalkiisa ku daray Verese .

Daraasaddan ayaa xustay in bulshada ku dhaqan magaalo xeebeedka Bosaaso ay xiriirka u jiraan kooxaha burcad-badeedda ah markasta oo dhaqaaluhu wanaagsanaado.,iyadoo  ayba dhacdo in burcad badeeddu ay culays kala kulmaan oday dhaqeemyada beelaha ay ka soo kala jeedaan.

Ugu danbayntii darasaadan oo lagu daabacay wargayska Criminology oo ka soo baxa London ayaa ugu baaqday dowladaha ay ciidamadu ka joogaan xeebaha Soomaaliya in ay dhimaan maraakibtooda ,isla markaana ay dhinacyo badan ka taageeraan bulshada xeeblayda ah si looga gudbo casriga burcad badeedda.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]