4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
Baarlamaanka Kenya oo ka doodaya in Ciidamada Kenya laga saaro Somalia


Khamiis, July 10, 2014 (HOL) — Baarlamaanka Kenya ayaa lagu wadaa inay dhawaan ka doodaan in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay kasoo baxaan halkaas iyo in kale, iyadoo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka uu xusay inay dhici karto in ciidamada Kenya ay kasoo baxaan Soomaaliya.

Xildhibaan, Benjamin Washiali oo laga soo doorto magaalada Mumias ayaa qaar ka mid ah warbaahinta Kenya u sheegay in ciidamada Kenya ay markii horeba Somalia ku galeen ogolaashaha baarlamaanka, haddana ay kasoo baxayaan haddii xubnaha baarlamaanku ay isku raacaan.

Sidoo kale, xildhibaan Washiali oo ka tirsan xisbiga JUBILEE ee dalkaas haya ayaa sheegay in baarlamaanka uu yahay kan keliya ee awoodda u leh inay ciidamada Kenya kasoo baxaan gudaha Soomaaliya iyo inay sii joogaan.

Kenya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya 4,000 oo askari oo AMISOM ka tirsan, kuwaasoo ka howlgala deegaannada gobollada Koonfureed, iyadoo xildhibaankan uu kusoo beegay hadalkiisa xilli isbahaysiga mucaaradka ah ee CORD uu dhawaan dalbaday in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya.

Mudanahan ayaa intaas ku daray in xubnaha barlaamaanka ugu jira xisbiga CORD ay wadaan mooshin ku aaddan in ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga laga soo saaro halkaas.

“Arrintan ku saabsan ciidamada Kenya waa in laga soo saaro Soomaaliya waxay dib u curatay markii isbahaysiga CORD oo dibadbax ku qabtay Nairobi ay dalbadeen in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya,” ayuu xidhibaan Washiali ku sheegay hadalkiisa.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli Al-shabaab ay gudaha dalka Kenya weerarro ka geysanaysay, kuwaasoo ay ku dhinteen 93-qof, waxaana weerarradan ay si xiriir ah uga dhaceen deegaanno ku yaalla xeebta dalka Kenya oo ah goobaha dalxiiska ee Kenya.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa ayaa horay u diiday inay ciidamadooda kala soo baxaan Soomaaliya, iyagoo sheegay inay joogayaan inta ay cagta ka marinayaan Al-shabaab oo ay ugu yeereen argagaxiso dhibaato ku haysa gobolka oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya