4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
Afhayeenka Ururka Al-shabaab oo ka hadlay weerarkii Madaxtooyada Somalia


Khamiis, July 10, 2014 (HOL) — Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday xaurnta madaxtooyada Soomaaliya habeen ka hor, isagoo sheegay inay gudaha u galeen ayna ka geysteen khasaaro badan.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in madaxtooyada ay tahay goob laga soo abaabulo shir-qoollada ka dhanka ah muslimiinta, isla markaana ay weerarkaas u qaadeen si ay taas uga jawaabaan ayna ku guuleysteen hadafkooda.

Wuxuu kaloo xusay in guuto xoogagooda ka tirsan ay gaareen xafiisyada madaxda dowladda Soomaaliya, halkaana uu ka dhacay dagaal xoogan  oo u dhexeeya iyaga iyo ciidamadii ilaalada ka hayay ee Soomaalida iyo Afrikaanka ahaa.

“Muddo saacado ah ayay xoogageennu gacanta ku hayeen madaxtooyada, qaar ka mid ahna halkaas ayay ku dhinteen, intii kalena way kasoo baxeen, waxayna ku laabteen goobahoodii,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in xoogaggii weerarkaas ka badbaaday ay ay mar kale diyaar u yihiin inay fuliyaan weerarro kale oo abaabulan oo ka dhaca magaalada Muqdisho, balse ma uusan sheegin goobo cayiman oo ay beegsanayaan.

Afhayeeka Al-shabaab wuxuu sheegay in khasaaraha ugu badan ee dagaalkaas ay u geysteen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, uuna jiro burbur xooggan oo ay u geysteen dhismaha madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarkii lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya ayaa noqonaya kii labaad oo ay Al-shabaab ku qaaddo madaxtooyada sannadkan, waxaana wararku ay sheegayaan in dagaalkaas ay ku dhinteen tiro ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka maqnaa madaxtooyada markii uu weerarkani ka dhacayay ayaa sheegay in Al-shabaab aysan awood u lahayn inay dowladda Somalia burburiso, lagana soo gudbay xilligii ay ku goodin jireen in dowladda ay bur-burinayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya