4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
Dagaal beeleed khasaare badan geystay oo ka dhacay Duleedka Baladweyne

Khamiis, July 10, 2014 (HOL) — In ka badan 10 ruux ayaa ku dhimatay tiro kale oo intaa ka sii badanna waxaa ay ku dhaawacmeen dagaal labo maleeshiyo beelleed subaxnimadii hore ee saakay ku dhaxmaray deegaannka Deefoow 35-km dhinac W/galbeed kaga beegan  magaalada Beledweyne.

Ilaa 16 ruux oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaallka ayaa la soo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne, kuwaasoo oo qaarkood sida ay sheegeen dhaqaatiirta qaba dhaawacyo culus.

Dagaalka ayaa salka ku haya iska horimaadyo horay u dhaxmaray labada beellood, walina waxaa ay wararku sheegayaan in ay is horfadhiyaan maleeshiyadii labada beellood.

Dhawaan ayeey aheyd markii garab ka mid ah dhinacyada iska soo horjeeda ay dab qabad siiyeen tuulo lagu magacaabo Jeereey, siddoo kalan dilleen saddex ruux oo rayid, waana tan keentay ayaa la leeyahay  inuu qarxo dagaallka saakay dhacay.

Illaa hadda ma jirto waan-waan iyo dadaalo la doonayo in lagu dhax-gallo labada beelleed oo colaada u dhaxeysa marar badan leysku dayay in la soo afjaro, laakiin lagu guul-dareysatay, madaama marar badan ay soo noq-noqdeen dagaallada u dhaxeeya iyo dilal salka ku yaha qabiilka oo ay geysanayaan labada dhinac.

Khilaafka labada beellood ayaa asal ahaa salka ku haya laahaansha deegaannada lagu dagaallamayo dhinac walba uu gaar u sheeganayo.

Ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo dagaallka saakay ka dhacay deegaannka Deefoow ee sababay khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya