4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
Markab ku socday Kenya oo ku Caariyay Xeebaha Gobolka Shabeellada Dhexe

Khamiis, July 10, 2014 (HOL) — Markab ganacsi oo ku socday waddanka Kenya ayaa ku caariyay xeebta deegaanka Meyraaleey oo deegaannada gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo dadka deegaanka ay boobeen qalabkii markab saarnaa.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in deegaanka oo hoostaga deegaanka Raage-Ceelle uu ka mid yahay kuwa ay Al-shabaab ka taliso, iyadoo ay socoto howlo lagu badbaadinayo shaqaalaha markabka oo tiro ahaan gaaraya 10-ruux.

“Dhibaato xooggan ayaa markabka kasoo gaartay dhinaca matoorka, taas ayaana u sabab ah inuu kusoo caariyo xeebahan. Waxaan rajeynayaa inaan caawinaad heli doonno,” ayuu yiri Abuubakar Xaaji Shariif oo ah kabtankii Markabka kaasoo dibada u soo baxay.

Sidoo kale, wararka laga helayo deegaanka Meyraaleey ayaa sheegaya in weli uu ka socodo halkaas boobka alaabadii saarnayd markaas, inkastoo waxgaradka ay isku dayayaan inay hor-istaagaan boobkaas.

Illaa hadda ma jiro hadal kasoo baxay shirkaddii iska lahayd Markabka iyo ganacsatadii uu u ararnaa, iyadoo uusan ahayn markabkii ugu horreeyay oo ku socday dalka Kenya oo ku caariya xeebaha Soomaaliya.

Badweynta Hindiya ayaa waxay ka mid tahay marinno badeedyada ay maraan maraakiibta isaga goosha caalamka intiisa kale, inkastoo sannado ka hor ay ahayd goob lagu qafaasho maraakiibta, haddana falalkii burcadbadeedda hoos ayaa loo dhigay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya