4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
Doonni Ganacsi oo kusoo jeeddey Boosaaso oo ku degtey meel u dhow Yemen
Khamiis, July 10, 2014 (HOL) —Dooni ganacsi oo siddey badeecooyin kala duwan oo gaaraya 1,500 oo tan ayaa gelinkii dambe ee shalay ku degtay Badda Cas, meel u dhow xeebaha dalka Yemen.

Doonta oo kasoo shiraacatay dalka Cummaan kuna soo jeedey magaalada Boosaaso, waxaa sababta keentay inay degto iyo weliba noocyada badeecooyinka ay siddey ka warbixiyey Ganacsade Liibaan Dheere oo isagu doontaas wakiil ka ahaa.

Liibaan ayaa sheegay in doontu gelinkii dambe ee shalay ay dabeylo xooggani ku keceen muddo saacado kaddib ahna ay degtey. Wuxuu intaas raaciyey in dhammaan shaqaalihii doontu ay bedqabaan.

Badeecooyinka ay doonida degtay siddey waxaa kamid ahaa sida uu Liibaan Dheere sheegay raashin, qalabka dhismaha, bagaash iyo gawaari tiradoodu gaareyso dhowr iyo soddon oo isugu jirey baabuurta yaryar iyo kuwa xamuulka qaada.

Dhan kale wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland ayaa digniin u jeediyey kalluumaysatada Puntland iyo dadka ku nool deegaanada xeebaha ee badda ku safra, isagoo ku boorriyey in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan inta ay dabaylaha xagaagu dhacayaan.

Xilliga xagaaga waxaa ka dhaca Badda Cas dabaylo xooggan, dabaylahaas oo sanad kasta sababa shilal badan oo badda ka dhaca, kuwaas oo galaafta nolosha dad badan hanti malaayiin doolar lagu qiyaasana ay ku baaba'do.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya