4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
Wiil ka Xanuunsan Kaadi-haysta oo caawinaad uga baahan ciddii Awoodi karta

Khamiis, July 10, 2014 (HOL) — Bukaankan waa wiil lagu magacaabo, Mukhtaar Max'ud Cumar oo 3-sano jir ah, waxaana uu muddo ka xanuunsanayay kaadi-haysta, iyadoo 28-kii Maarso 2013, lagu qalay isbitaalka Al-Shifa ee magaalada Muqdisho, ayaa weli wuxuu la dhibaatoonayaa xanuunkii laga qalay.

Qaliinkaan ayaa waxaa sameeyey dhakhtar Turki ah oo magaalada Muqdisho booqasho ku yimid, balse nasiib-darro , hab-qaliinkaas waa lagu xallin waayay dhibaatadii uu wiilkaan la xanuunsanaa sida la filayay, waayo kaadi haysta waa la furay sida sawirka ka muuqata.

Sida ay sheegeen khubaro ku xeel-dheer daaweynta dhibaatooyinka kaadi haysta, waa arrin aad u adag daweynteeda meel kasta oo caalamka ah. Waxaana arrintan xal u heli kara oo keliya xaruumaha takhasusiga ah ee ku yaalla dalalka horumaray.

Carruurta qaba dhibaatada kaadi haysta weligeedba laguma daaweyn hal qaliin oo keliya, xitaa haddii lagu daaweeyo xarumaha ugu fiican, waxay u baahan tahay tiro qaliin ah oo waqti dheer soconaya si ay u noqoto “Meel Qalalan”.

Haddaba, waxaa si naxariis leh looga codsanayaa dhammaan ciddii awoodi karta ee caawini karta wiilkan Soomaaliyeed inay caawiso si loo xaliyo dhibaatada dhinaca kaadi-haysta ka haysata oo dalka gudihiisa aan wax looga qaban waayay.

Ciddiidoonaysa inay caawiso wiilkan waxay kala xiriiri kartaa Maxamuud Macallin Cumar Yuusuf oo ah aabbaha dhalay: Tell: +2526-15550981.

MAHADSANIDIIN