4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
Caydiid Ilko-xanaf oo kasoo horjeestay ansixintii Sharciga Adeegga Garsoorka

Khamiis, July 10, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Avv Caydiid C/llaahi Ilko-Xanaf ayaa kasoo horjeestay sharcigii adeegga garsoorka dalka oo baarlamaanku uu dhawaan ansixiyay, isagoo sheegay inuu u arko go’aankaas mid lagu bur-buriyo hay’adda garsoorka dalka.

Avv. Ilko-xanaf oo kasoo laabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha Muqdisho in is-bedel lagu sameyn karo garsoorka dalka iyadoo aan la khilaafin dastuurka dalka u yaalla.

“Garsoorku waa hay’ad ka madaxbannaan hay’adaha kale ee dalka, mana dhacayso in ha’yad ay ha’yad kale shaqaadeeda ka qaaddo ama ay shaqooyinkeeda faragelin ku sameyso . Waan qabaa in dib u habeynalgu sameeyo garsoorka, balse waa inaan la jabin dastuurka ama aan buuq la sameyn,”  ayuu yiri Avv. Caydiid.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa sheegay in garsoorka uu qayb ka yahay saddexda hay’adood ee dalka ugu sarreysa, mid walbana shaqo gaar ah ay leedahay, isagoo sheegay inaan loo baahnayn in la abuuro ama dastuurka dalka la jabiyo.

“Ha’yadaha dalka ugu sarreeya waa Garsoorka, Fulinta iyo Sharci-dejinta, ha’yad ka qaadi karta hay’ad kale shaqadeedana ma jirto, marka waxaan qabaa inaan khilaaf la dhex-dhigin hay’adaha fulinta iyo garsoorka,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka wuxuu sheegay in haddii la doonayo in isaga xilka laga qaado si tartiib loogu sheegi karo iyadoo aan buuq la sameyn, isaguna uu diyaar u yahay inuu xilka ka dago.

“Qorshuhu haddii uu yahay inaan aniga shaqada ka tago, waxaa la ii sheegi karaa iyadoo aan buuq la sameyn, anigana diyaar ayaan u ahay inaan ka dago. Laguuma baahna adeer waadna gabowday haddii la i yiraahdo waan ka daganaa ma doonayo inaan isku sii dhajiyo,” ayuu  hadalkiisa ku daray guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilko-Xanaf.

Dhawaan ayay ahayd markii xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, C/qaadir Maxamed Muuse uu isaguna gaashaanka ku dhuftay ansixinta guddiga adeegga garsoorka dalka, isagoo ku tilmaamay in sharcigan uu yahay mid ka horimaanaya dastuurka dalka.

Ma jiro illaa hadal kasoo baxay dhinaca hay’adda fulinta dalka oo ku saabsan sida ay u arkaan diidmada ay ka muujiyeen xubnaha hay’adda garsoorka, ansixitii sharciga adeegga garsoorka dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya