4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
Jarmalka iyo Argentine oo isugu soo haray Ciyaarta Finalka Koobka Adduunka


Khamiis, July 10, 2014 (HOL) — Xulalka dalalka Jarmalka iyo Argentina ayaa isugu soo baxay ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobka Adduunka ee sannadkan 2014  oo ka socda dalka Brazil, kaddib markii ay kasoo adkaadeen xulalka Netherlands iyo Brazil.

Dalka Argentina oo ay u noqonayso markii ugu horreysay oo ay u soo baxdo ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Adduunka 24-sano kaddib ayaa waxay kaga soo badisay xulka Netherlands oo ay ciyaar adag dhexmartay 4-2, kuwaasoo ahaa rigoorayaal.

Ciyaarta ayaa ku dhammaatay 90-kii daqiiqo ee loogu talo-galay  0-0 iyadoo lagu daray 30-daqiiqo oo dheeraad ah, balse ma jirto goolal ay kala dhaliyeen labada xul, inkastoo xulka Argentina ay heleen laba fursadood balse waxaa ka qabtay gool-hayaha Holland.

Rigoorayaashii la dhigay markii ay ciyaartu dhammaatay ayaa waxaa ku adkaaday xulka Argentina, iyadoo xulka Netherlands oo aan marna laga guuleysan tan iyo markii uu billowday koobka adduunka ay u noqonaysaa guul-darradii keliya ee ay la kulmaan.

Taageerayaasha iyo ciyaartoyda xulka Argentina ayaa mar qura farxad awgeed afka furtay qaylo-dhaan; halka taageerayaasha xulka Netherland iyo ciyaartoydoodaba ay afka qabsadeen yaab iyo amakaag awgiis.

Xulka Argentina ayaa wuxuu habeenka Axadda soo socota oo ay bishan 13-ka ku beegan tahay xulka Jarmalka, iyadoo labadan xul ay ku tartami doonaan Koobka Adduunka ee sannadkan 2014.

Jarmalka ayaa kaga soo adkaaday xulka Brazil oo koobka loo saadaalinayay 7-1, taasoo ahayd guul-darraadii ugu weyneyd ee ku dhacda xulka Brazil muddo ku dhow 34-sano.

Sidoo kale, habeenka Sabtida ee soo socda ayaa waxaa iyaguna kaalinta saddexaad ku tartami doona xulalka laga adkaaday ee Brazil iyo Netherlands, iyadoo kooxdii guuleysata ay geli doonto kaalinta saddexaad.

Xulalka Jarmalka iyo Argentina ayaa waxay final ku kulmeen koobkii Adduunka ee 1990-kii, kaasoo Jarmalka ay ku adkaadeen 1-0, tanina waxay noqonaysaa markii labaad oo ay ku kulmaan finalka Koob Adduun 24-sanadood kaddib.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya