4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
Ururka Midowga Afrika oo wakiil cusub u soo Magacaabay Arimaha Soomaaliya

Khamiis, July 10, 2014 (HOL) — Ururka Midowga Africa ayaa wakiilkooda Somalia u soo magacabaay, Danjire Maman Sidikou, kaddib markii uu iska-casilay xilka danjirihii hore ee Midowga Afrika, Maxamed Saalax Anaadiif bishii lasoo dhaafay isagoo aan sheegin sababta rasmiga ah ee uu xilka isaga casilay.

Danjiraha cusub ee ururka Midowga Afrika u qaabilsanaan doona madaxa ugu sarreeya ee  ciidamada howlgalka AMISOM ee Somalia, isgaoo xilka kala wareegi haweeney u dhalatay dalka Uganda oo hadda ah ku sime.

Wakiilkan cusub ayaa u dhashay dalka Nigeria, waana aqoonayahan ku takhasusay dhaqaalaha , siyaasadda iyo xiriiradda caalamiga ah, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Midowga Afrika.

Ergaygu wuxuu horay ula soo shaqeeyay ururro ay ka mid yihiin USAID, World Bank iyo UNICEF. Waxaana uu noqonayaa ergaygii labaad oo muddo sannado ah gudahood loo magacaabay arrimaha Soomaaliya iyo madaxa AMISOM.

Danjire Sidikou ayaa haysta shahaadooyinka  PhD oo dhanka saxaafadda ah taasoo u sahashay inuu mar soo noqday agaasimaha televishinka Qaranka Nigeria iyo inuu noqdo safiirkii Nigeria ee Maraykanka.

Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in wakiilkoodan cusub ee ay Somalia uu bedeli doono Maxamad Salax Anaadiif oo ahaa ergaygii hore, iyagoo sheegeen inay rajo-weyn ka qabaan inuu howlaha Soomaaliya ee Midowga Afrika uu horumarin doono.

Midowga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan 22,000 oo askari oo ka socda shan lix dal oo Afrikaan ah, kuwaasoo ay ku jiraan dalalka dariska ah, waxayna ka siiyaan gacan dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya