4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
Midowga Afrika oo soo dhaweeyay Doorashadii ka dhacday Puntland


Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa ka hadlay doorashadii madaxweynimo ee maanta ka dhacday Puntland, taasoo lagu doortay madaxweyne cusub iyo madaxweyne ku xigeen cusub oo shanta sano ee soo socota hoggaamin doona Puntland.

Ergayga gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Somalia, Danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo ku guuleystay doorashadii maanta ka dhacday Puntland, sidoo kalena wuxuu hambalyo taas la mid ah u diray madaxweyne ku xigeenka la doortay, C/xakiin C/llaahi X. Cumar (Camey).

“Doorashadu waxay u dhacday si xor ah, cadaalad ah isla markaana cad. Waxaan madaxweynaha cusub ee la doortay ugu baaqayaa inuu howsha ka sii wado halkeedii uu horumar u horseedo shacabka Puntland,” ayuu ku yiri qoraal uu danjire Anaadiif soo saaray caawa.

Wakiilku wuxuu sheegay in doorashadan ay caddeyn u tahay in Somali ay ku socoto dhabbihii dimuqraadiyadda, isagoo xusay in doorashadan ay tahay mid mudan in wax laga barto, wuxuuna sheegay in doorshadu ay tahay mid Puntland u horseedaysa horumar iyo barwaaqo.

Sidoo kale, dajiruhu wuxuu sheegay in AMISOM ay ka go’an tahay in gacan ay ka siiso hoggaanka cusub ee Puntland sidii ay u gudan lahaayeen xilka loo doortay, isagoo madaxda cusub ka dalbaday inay qayb ka qaataan sidii lagu hirgelin lahaa nidaamka federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay u mahadceliyay madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole oo uu sheegay inuu howlo badan qabtay intii uu xilka hayay, isagoo xusay in intii uu xilka hayay uu Puntland ka tallaabiyay arrimo badan oo siyaasadeed, wuxuuna maamulka cusub ugu baaqay inay waxqabad wanaagsan la yimaadaan.

Doorashadii madaxweynenimo ee Puntland oo ay ku tartameen murshaxiin fara badan ayaa waxaa nasiib u yeeshay in xilalka madaxweynaha iyo ku xigeenka loo kala doorto, C/weli Gaas iyo C/xakiin Camey oo labaduba ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay xilal ka qabtaan Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya