4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
Naadiga Badbaado oo u Hambalyo u diray C/weli Gaas (SAWIRRO)


Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — Naadiga Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin golihii wasiirrada ee xukuumadii KMG ahayd ee uu ra’iisal wasaaraha ka ahaa, C/weli Gaas oo maanta loo doortay madaxweynaha Puntland ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo doortay, kaddib kulan ay ku yeesheen Muqdisho.

Warmutiyeed laga soo saaray kulanka ayaa waxaa saxaafadda u akhriyay guddoomiyaha Naadiga, C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaah-weyn) oo kasoo noqday xukuumaddii KMG ahayd ee uu horkacavay C.weli Gaas wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Naadiga Badbaado Qaran oo lagu xasuusto waxqabadkii lagaga baxay marxaladii KMG ahayd muddadii ay shaqaynayeen inay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan madaxweynaha cusub ee Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas. Isagoo intaas ku daray in Naadiga Badbaado ay illaa haatan ka dhaxayso xiriir joogta ah iyo wada-tashi.

Jaahwayn ayaa sidoo kale wuxuu amaanay madaxwaynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Sh. Maxamed Faroole isagoo sheegay inuu si wanaagsan u aqbalay natiijdii kasoo baxday doorshadii Puntland ee looga adkaaday.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo uu ku jiro wasiirkii hore ee gaashaandhigga xukuumaddii KMG ahayd oo hadda ka tirsan baarlamaanka, Xuseen Carab Ciise, iyagoo hambalyo ugu diray si wadajir ah madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa.








Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya