4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
Soomaali lagu Diiwaan-geliyo Dalka Koonfurta Sudan (SAWIRRO)


Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Juba ee xarunta dalka Koonfurta Sudan ayaa diiwaan-gelineysa dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ee ka cararaya goobaha dagaallada, doonayana inay dib ugu laabtaan dalkooda Soomaaliya, xilli xukuumaddu ay sheegtay inay u diryso dalkaas diyaarado kale oo Soomaalida lagu soo daad-gureeyo.

Dad badan ayaa maanta safaf-dheer ugu jiray xarunta safaaradda Soomaaliya oo ku taalla xaafadda Malakia ee magaalada Juba, iyadoo si nidaamsan ay uga socoto diiwaan-gelinta dadka Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya ee Juba, danjire C/raxmaan Nuur Moxamed (Diinari) ayaa kula hadlay dadkaas gudaha dhismaha safaaradda, isagoo u sheegay in dowladd Soomaaliya ay u ballanqaadayso inay dib ugu celiso dalkooda.

“Dowladda Somalia waxay idiin ballan-qaadeysaa in dalkiinnii Soomaaliya ay dib idin kugu celiso, waxaana la soo dirayaa dhawaan diyaaraddii seddexaad si ay u qaaddo 131 qof oo idinka mid ah,” ayuu danjiruhu u sheegay dadkii uu kula hadlay dhismaha safaaradda.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, wuxuu danjiruhu wuxuu furay buugga diiwaan-gelinta hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed  ee la boobay ama ku luntay dagaalladii ka dhacay Koonfurta Suudaan, si safaaraddu u raad-raacdo una daba-gasho.

Danjire, C/raxaan Diinaari ayaa xusay in safaaradda lagu soo war-geliyay dhacdooyin la xiriira boob gaadiid, badeecooyin iyo rugo ganacsi oo ganacsato Soomaaliyeed ay lahaayeen, wuxuuna ka codsaday dadka la kulmay dhacdooyinka noocaas ah inay xogaha ay hayaan iyo qaabka dhibka uu ku helay ay u qoraan safaaradda si ay u suuro-gasho daba-gellidda iyo furidda dacwado la xiriira boobkaas.

Ugu dambeyn, danjiruhu wuxuu ka mahad-celiyay qorshaha ay dowladdu ku daad-gureynayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran Koonfurta Sudan, isagoo si gaar ah ugu mahad-celiyay maamulka shirkadda Daallo Airlines oo u ogolaadeen in diyaaradoodda loo kireeyo soo daabulidda dadka ku go’ddomay Koonfurta Suudaan oo ay weli dagaallo ka socdaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya