4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
JAWAARI: “Doorashada Puntland waa guul Somalia u soo hoyatay”


Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ee maant la doortay, isagoo ku tilmaamay doorashadan inay tahay guul u soo hoyatay Soomaaliya oo dhan.

“Anigoo ku hadlaya magaceyga, kan gudoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa madaxweynaha cusub ee Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenkiisa, C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey oo aan ugu hambalyeynayo xilka culus ee ay u doorteen xildhibannada Puntland,” ayuu hadalkiisa ku billaabay Jawaari.

Sidoo kale, Jawaari ayaa qoraalkiisa ku sheegy in madaxweynaha cusub ee la doortay, C/weli Maxamed Cali Gaas waa nin aqoonyahan ah mudooyinkii dambe kusoo jiray siyaasadda dalka, isagoo kasoo qabtay dowladdii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya xilal wasiir iyo ra’isul wasaar, waxaana aaminsannahay inuu gudan doono mas’uuliyadda iyo waajibaadka loo igmaday maanta.

“Waxaan rajeynayaa inuu si gaar ah uga qayb-qaadan doono hirgelinta nidaamka federaalka iyo hormarintiisa. Baarlamaan ahaan waxaan rajo ka qabnaa wadashaqeyn joogta ah inaynu yeelano taasoo aan ballan-qaadeyno,” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Prof. Jawaari oo sii hadlaya ayaa sheegay in nidaamka, degenaanshaha iyo daah-furnaanta ay doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland u dhacday aysan ahayn oo kaliya mid uu ku ammaanan yahay baarlamaanka Puntland ee ay sharaf iyo guul weyn oo tahay Soomaaliya oo dhan, gaar ahaan shacabka Puntland taasina waxay marqaati cad u tahay in Soomaaliya ay awood u leedahay maareynta arrimaha dalkeeda. Waxaana ku ammaanaynaa golaha wakiillada Puntland sida ay doorashada u hageen.

Ugu dambeyn, guddoomiyuhu wuxuu ALLE uga baryay inuu u fududeeyo xilka iyo waajibka shaqo ee horyaalla madaxweynaha cusub ee la doortay iyo ku xigeenkiisa, isagoo ku boorriyay gobollada kale ee dalka ee aysan weli ka hirgelin nidaamka federaalka iyo dhisidda dowlad goboleedyada inay ku daydaan walaalahooda Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya