4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
Somaliland oo si Taxaddar leh uga hadashay Doorashada Puntland

Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa maant si taxadar leh uga hadshay doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, iyagoo sheegay inay la shaqeyn doonaan ciddii ay soo doortaan maamulka Puntland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo intii aan lagu dhawaaqin guusha madaxweynaha la doortay ee Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan doorashada, isagoo xusay inuu kala dhexeeyo Puntland wanaag ayna xukuumadda Somaliland la shaqeynayso cid walba oo ay soo doorato Puntland.

“Doorashada ka socota Puntland waan soo dhaweynaynaa, waana qayb ka mid ah Soomaaliya, waxaana ballanqaadaynaa inaan la shaqeyno ciddii ay soo doortaan xildhibaannada Puntland,” ayuu yiri Biixi oo warfidiyeenka kula hadlay garoonka diyaaradaha Hargeysa xilli uu hoggaaminayay wafdigii uga qaybgeli lahaa Somaliland wadahadallada u dhexeeya Dowldda Soomaaliya iyo Somaliland.

Hase ahaatee, markii lagu dhawaaqay in doorashada madaxweynaha cusub ee Puntland uu ku guuleystay C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa si aad u kooban uga hadlay wasiirka madaxtooyada Soomaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sheegay inay la shaqeynayaan mas’uulka cusub ee doorashada ku soo baxay.

“Sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, waxaana madaxweynaha la doortay u rejeynaynaa baraare iyo bash-bash, Soomaaliya oo dhanna baraare ayaan u rajeynaynaa,” ayuu yiri Xirsi Xaaji.

Wasiirka madaxtooyada ayaa hoosta ka xariiqay in Somaliland ay ka digayso in lagu soo xadgudbo taako ka mid ah ciidda Somaliland, isagoo xusay inay ugu baaqayaa Puntland nabad-ku-wada-noolaasho.

“Maalmo dhaweyd waxaan maqlayay in ragga u tartamaya doorashada ay ku ololeynayeen inay ku wajahan yihiin deegaannada Somaliland sida degmada Laascaanood, taasna waan ka digayaa, waxaana leennahay aan nabad ku wada noolaanno, kamana xumin ciddii guuleysatay hambalyo ayaana u diraynaa. Cidna ka ogolaan maynno inay ku gor-gortanto dhulka Somaliland xuduudihiisuna la yaqaanno,” ayuu Xirsi Xaaji Cali hadalkiisa ku daray.

Intii uu xilka hayay madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Faroole oo doorashadii maanta si dirqi ah looga adkaaday ayaa waxaa Somaliland iyo Puntland u dhexeeyay muran dhinaca siyaasadda ah, kaasoo intiis badan ku saleysnaa deegaannada ay maamulkooda isku hayaan labada dhinac.

Somaliland ayaa waxay u muuqataa mid hadda isha ku haysa sida arrinta u wajihi doonaan madaxweynaha cusub iyo madaxweyne ku xigeenka maanta la doortay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya