4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
C/xakiim Camey oo loo doortay madaxweyne ku-xigeenka Puntland
Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — Golaha wakiillada ee Puntland ayaa u doortay madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey).

Xilkan oo ay 10 murashax u tartameen waxaa wareeggii ugu dambeeyey isugu soo baxay Murashax C/xakiim C/laahi Cumar (Camey) iyo C/laahi Cali Xirsi (Tima-cade)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Puntland Siciid Xasan Shire ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo shaaciyey in guushu ay raacday C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey).

Madaxweyne ku-xigeenka cusub oo cod aqlabiyad leh ku guuleystey ayaa helay 48 cod oo kamid ah codadka 66-da xubnood ee Baarlamaanka Puntland uu ka kooban yahay, halka C/laahi Cali Xirsi (Tima-cade) uu helay 16 cod .

Taariikh noloeedka madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland oo kooban dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya