4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
Maamulka Jubba oo soo dhaweeyay doorashada Madaxweyne Gaas
Arbaco, January 08, 2014(HOL) :-Maamulka KMG ee Jubba ayaa soo dhaweeyay doorashadii madaxtinimo ee maanta ka dhacday Puntland, taasoo uu ku guuleystay xilka madaxweeynaha maamulkaasi  Prof: C/weli Max’ed Cali (Gaas).

Shir jaraa’id oo madaxweeyne ku xigeenka maamulka KMG ee Jubba Jen. C/laahi SHeekh Ismaaciil Fartaag uu maanta ku qabtay xarunta madaxtooyada Kismaayo ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan doorashadii maanta ka dhacday Puntland oo ay ku tilmaameen in ay ahayd mid xaq oo xalaal ah.

Masuulkan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan madaxweeynaha cusub ee maamulka Puntland Prof: C/weli Max’ed Cali Gaas, kaasoo wareegii ugu danbeeyay ee doorashada Puntland uga guuleeystay Madaxweeynihii hore ee maamulkaasi C/raxmaan Max’ed Max’uud Faroole.

Madaxweeyne ku xigeenka yaa sheegay in  masuulkan cusub ay ka rajeynayaan in uu la shaqeyn doono maamulkooda, isagoo dhinaca kale sheegay in madaxweeynaha xilka kasii dagayo ee Puntland C/raxmaan Faroole uu madudii uu xilka hayay wax u weyn u qabtay Puntland, islamarkaana uu garab istaagay maamulka KMG ee Jubba.

Dhinaca kale, kadib markii ay soo idlaatay doorashadii madaxtinimo ee Puntland oo shacabka ku dhaqan degmada Kismaayo ay kala socdeen telefishinadda ayaa waxa wadooyinka magaalada isugu soo baxay dadweeyne badan oo u dabaaldegayay hogaanka cusub ee maamulka Puntland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya