4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
DANJIRE KAY: “Caalamku wuu soo dhaweynayaa isbedelka Puntland”


Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — Danjire Nickolas Kay oo munaasaadda doorashada Puntland ka hadlay ayaa shacabka Puntland ugu hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee maanta loo doortay , isagoo sheegay in beesha caalamku ay soo dhaweynayso isbedelka ka dhacay Puntland.

“Madaxweynihii afaraad ayaa loo doortay Puntland muddo 15-sano gudahood ah, waxaana nasiib u yeeshay doorashadan ugu dambeysy inuu ku soo baxo C/weli Gaas,” ayuu yiri danjire Kay.

Sidoo kale, Kay wuxuu sheegay in beesha caalamka ee doorashada ka ahayd goobjoogga ay soo dhaweynayso sida ay u dhacday, isagoo sheegay inay u dirayaan hambalyo madaxweynaha cusub ee la doortay.

“Waan soo dhaweynaynaa sida sharafta leh ee madaxweynii hore ee Puntland, C/raxmaan uu u aqbalay natiijada doorashada, innagoo ogsoon howlaha ballaaran ee uu qabtay intii uu xilka hayay,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Danjire Kay ayaa hoosta ka xariiqay in maamulka cusub ee Puntland looga fadhiyo inuu meel mariyo saddex arrimood oo kala ah: hirgelinta adeegyada aasaasiga u ah bulshada sida nabadgelyada, caafimaadka, waxbarashada iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

Wakiilku wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay taageerayso qorshahaasi iyo in Puntland ay door muhiim ah ka qaadato hirgelinta habka federaalka ah ee la doonayo in Soomaaliya oo dhan laga hirgeliyo sannadaha soo aaddan.

Ugu dambeyn, danijre Kay wuxuu sheegay in in si deg-deg ah loo billaabo nidaamka axsaabta badan iyo in doorashada soo socota ay u noqoto mid ay dadweynuhu soo doortaan hoggaamiyaha ay doonayaan inuu hoggaamiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya