4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
Madaxda Soomaaliya oo u hambalyeeyay Madaxweynaha Puntland


Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo maanta loo doortay xilka, iyagoo xusay in guushan ay tahay mid u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inay wada-shaqeyn dhow la yeelan doonaan madaxweynaha Puntland ee la doortay, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhaqan-gelinayso nidaamka federaalka.

“Puntland waxay tusaale fiican u tahay dala intiisa kale,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo hadalkiisa daba-dhigay: “Waxaana u mahadcelinayaa dhammaan musharaxiintii iyo sidii nabadda ahayd ee ay u loolantameen. Puntland waxay tustay dalka intiisa kale iyo caalamka in dhaqanka dimuqraadiyadda uu ka jiro Soomaaliya, waana in arrintan ay nagu hagtaa sidii aan dalka dib ugu dhisi lahayn.”

Madaxweynaha Soomaaliya oo sii hadlay ayaa sheegay in xildhibaannada cusub ee Puntland oo matalayay shacabka Puntland ay soo afmeereen doorashada. Waxaana uu hadalkiisa daba-dhigay inuu hambalyo kale u dirayo odayaasha iyo isimmada Puntland oo soo xulay xildhibaannada maanta doortay.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo isaguna warqad qoraal ah soo saaray ayaa doorashada ku tilmaamay mid taariikhi ah una dhacday si hufan oo dimuqraadiyad ah, wuxuuna si gaar ah hambalyo ugu diray madaxweynaha cusub ee xilka loo doortay, C/weli Maxamed Cali Gaas.

“Waxaan hambalyo diirran halkan uga dirayaa madaxweynaha Puntland ee la doortay. Doorashadu waxay ahayd mid ku dhacday doorasho xor ha oo ku dhacday si nabadgalyo ah oo dimuqraadiyad ah ay ku dheehan tahay,” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya