4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
Madaxweynaha Puntland: "Is-beddelku Maanta ayuu bilowday"


Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo waxyar kaddib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada islamarkaana la shaaciyey in uu doorashada ku guuleystey hadlay, ayaa si aad ah ugu mahadceliyey xildhibaanada baarlamaanka ee codkooda siiyey.

Mudane Gaas ayaa sheegay in xildhibaanadu ay ku aammineen xil aad u culus, isagoo ballan qaaday in mas'uuliyadda la saaray uu si wanaagsan uga soo bixi doono, isagoo taas ka halayey wuxuu yiri:

"Walaalayaal waad i aaminteen...waxan idiin sheegayaa inaan si daacadnimo ah uga shaqeyn doono xilkan aad igu aaminteen anigoo raacaya sida uu farayo dastuurka Puntland" madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa yiri.

Guddiga doorashada ayuu dhanka kale ammaan usoo jeediyey isagoo sheegay inay si hufan u shaqeeyeen islamarkaana ay dadaal badan ku bixiyeen sidii ay doorashadu ugu dhici lahayd si hagaagsan.

C/weli Gaas wuxuu  dhanka kale u hambalyeeyey murashaxa uu ka guuleystey oo ahaa madaxweynihi Puntland soo hoggaaminayey shantii sano ee lasoo dhaafay C/raxmaan Maxamed Maxmuud Faroole.

Madaxweyne Faroole ayuu sheegay inuu ahaa hogaamiye fiican, kaas oo Puntland horumar badan gaarsiiyey islamarkaana ka tegey waxqabad ballaaran oo sinaba aan loo ilaawi doonin.

Ugu dambeyntii wuxuu guul u rajeeyey umadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan, isagoo sheegay in isbedellka dhanka horumarka ee Puntland uu maanta bilowday.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Puntland