4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
Baydhabo oo lagu soo dhaweeyey Fannaaniinta Walaalaha Hargeysa


Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa Salaasadii shalay waxaa  si weyn loogu soo dhaweeyay fannaaniin ka socday Hargeyss oo la magac baxay Walaalaha Hargeysa; iyagoo fannaaniintan markii dambe ay ka qaybgaleen shirweynaha maamulka Koonfur Galbeed eelLixda gobol.

Xarunta shirka ee ADC-da ayaa fannaaniintan waxaa kusoo dhaweeyay guddoomiyaha gobalka Bay, Cabdi Aaadan Hoosoow, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaashiyahooda Baydhabo .

Shirka ayaa waxaa lagu doortay isla shalay guddiga howsha sii wadi doona (Steering Commitees) oo ah gudi ka kooban 31 xubnood oo ka kala yimid lixda gobol, gobol kasta waxay doorteen shan xubnood; iyadoo gobolka Bay loogu daray xubin dheeri ah, taasoo lagu maamusay marti-gelinta shirka.

Magaalada Baydhabo ayaa maalin walba waliba waxaa soo gaaraya ergooyin aad u tiro badan oo ka kala imaanaya daafaha caalamka; kuwaasoo u badan dadka deegaanka Koonfurta Soomaaliya kasoo jeeda.

Xagga magaalada ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamada AMISOM ay gaaf wareegayaan dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Hiiraan Online, Baydhabo