4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
Codbixinta doorashada Puntland oo si toos ah u bilaabatay


Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — Hoolka ay ka dhacayso doorashada madaxtinimada ee Puntalnd ayaa waxaa goor dhow ka bilaabatay cod bixinta xildhibaanada baarlamaanka ee dooran doona madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee shanta sano ee soo socota.

Goor dhow waxaa bilaaban doonta tirinta codadka doorashada, waxaana wareegga labaad u gudbaya saddexda murashax ee hela tirada codadka ee ugu badan.

Haddii mid kamid ah murashaxiintu uu wareegga koowaad helo saddex meelood labo meel tirada codadka xildhibaanada codeynaya oo ay tiradoodu 66 tahay, isaga yaa cod aqlabiyad leh ku guuleysan doona doorashaduna ma yeelan doonto wareegyo kale.

Wareegga saddexaad haddii laysula gudbo, waxaa ku tartami doona labada murashax ee hela tirada codadka ugu badan, kuwaas oo ugu dambeyntana tiro hal dheeri ah ku kala bixi doona.



 


Wararka doorashada iyo natiijadaba si toos ah ayaan idiinku soo gudbin doonnaa...



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Sooomaaliya