4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
Doorashada madaxtinimada Puntland oo maanta dhacaysa
Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland ee shanta sano ee soo socota ayaa maanta ka dhacaysa Aqalka Baarlamaanka ee magaalada Garoowe.

Hoolka ay doorashadu ka dhacayso waxaa xilligan ku sugan inta badan murashaxiinta u tartamaya xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka; xildhibaanada baarlamaanka, isimmo, goob joogeyaal caalami ah iyo xubno ka socda bulshada rayidka ah.

Waxaa sidoo kale madasha ay doorashadu ka dhacayso ku sugan ergeyga gaarka ah ee xoghayah guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya, wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya, madax ka socota IGAD, diblumaasiyiin caalami ah iyo wufuud ka socota Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dalalka ay Soomaaliya deriska yihiin.

Cod bixinta ayaa lagu wadaa inay bilaabato goor dhow, waxaana marka koowaad la dooran doonaa madaxweynaha iyadoo ay xilkaas u tartamayaan 11 murashax -oo madaxweynaha Puntland ee shantii sano ee lasoo dhaafay xilka hayey C/raxmaan Faroole- uu kamid yahay, halka xilka madaxweyne ku-xigeenkana ay u tartami doonaan 10 murashax.

Doorashadan ayaa ah mid aad u xamaasad badan, lamana saadaalin karo natiijada kasoo bixi karta, waxaase loo badinayaa in xilka madaxweynaha loo dooran doono mid kamid ah afarta murashax ee kala ah: C/raxmaan Faroole, C/weli Gaas, Cali Xaaji Warsame iyo Maxamed C/nuur.

Wararka doorashada iyo hadba meesha ay wax marayaan si joogto ah ayaan idiinla socodsiin doonnaa, idinkoo dhanka kale si toos ah doorashada uga daawan kara qaybta sare ee shabakadda Hiiraan Online.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya