4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2014
Nuxurka khudbadihii murashaxiinta Puntland ee maanta (SAWIRRO)
Talaado, Janaayo 07, 2014 (HOL) — Murashaxiinta u taagan xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ee Puntland ayaa maanta taariikh nololeedkooda iyo barnaamijyadooda siyaasadeed kahor jeediyey Golaha Wakiillada ee Puntland.

Hoolka baarlamaanka oo maanta si aad ah ammaankiisa loo adkeeyey, waxaa ku sugnaa in ka badan 500 oo qof oo isugu jirey xildhibaannada baarlamaanka, murashaxiinta, saraakiisha ciidamada, warbaahinta iyo xubno ka socdey bulshada rayidka ah.

Ugu horreyn waxaa khudbadahooda soo jeediyey murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha, murashaxiintan oo ay tiradoodu 11 tahay ayaa loo kala hormariyey sida ay araajidooda guddiga doorashada ugu soo gubisteen.

Cali Xaaji Warsame
Murashax Cali Xaaji Warsame oo ugu horreeyey  ayaa sheegay in arrimaha uu sida weyn wax uga qaban doono ay kamid yihiin: ammaanka, dhismaha hay'adaha garsoorka, maamul wanaagga, kobcinta dhaqaalaha, kahor-tagga musuq maasuqa iyo in dabagalka laamaha maaliyadda.

C/weli Maxamed Cali Gaas
Murashaxa labaad ayaa ahaa Murashax C/weli Maxamed Cali Gaas. C/weli Gaas wuxuu tiriyey baahiyo dhowr ah oo sida uu tilmaamay ay Puntland xilligan qabto. Midnimadii dadka reer Puntland ayuu sheegay inay luntay, isagoo taas ka duulayana wuxuu ballan qaaday, in haddiiba loo doorto Madaxweynaha Puntland tallaabada ugu horreysa ee uu qaadayo ay tahay inuu qabto shirweyne ballaaran oo laysugu keenayo dhammaan dadka reer Puntland.

Cabdiweli Maxamuud Gurey
Cabdiweli Maxamuud Gurey oo isna kamid ah murashaxiinta isu soo taagay xilka madaxweynaha Puntland ee shanta sano ee  soo socota ayaa golaha kahor jeediyey khudbad uu kusoo koobay barnaamijka siyaasadeed ee u qorsheysan inuu fuliyo haddii uu doorashada ku guuleysto.

C/weli Gurey wuxuu sheegay in hirgelinta nidaamka dimuqraadiyaddu uu yahay midka ugu mihiimsan ahdaaftiisa siyaasadeed, isagoo dhanka kale sheegay in haddii loo doorto Madaxweynaha Puntland uu dhiiri gelin doono dadaal badanna ku bixin doono sidii kor loogu qaadi lahaa ka qayb galka dumarka Puntland ee siyaasadda iyo hoggaanka dalka.

Shire Xaaji Faarax
Murashaxa shanaad ee barnaamijkiisa siyaasadeed soo bandhigay ayaa ahaa Murashax Shire Xaaji Faarax. Shire wuxuu sheegay in hadii la doorto uu dadaal badan ku bixin doono kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, dhismaha ciidamada iyo soo celinta gobollada maqan, arrintaas oo sida uu xusay noqonaysa muhiimaddiisa koowaad.

Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
Murashax Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke ayaa isna sheegay in haddii la doorto uu soo dhisi doono xukuumad waxbaqad, hawlkarnimo iyo daacad ku sifowdo. Tusaale wuxuu usoo qaatay arrimo badan oo horay uu usoo qabtay xilli uu ka shaqeynayey wasaaradda waxbarashada ee Puntland, isagoo ballan qaaday in haddii uu doorashada ku guuleysto uu si hufan dadkiisa iyo dalkiisaba ugu shaqeyn doono.

Cabdilaahi Siciid Samatar
Jen. Cabdilaahi Siciid Samatar oo isna kamid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha, ayaa golaha baarlamaanka kahor sheegay in uu yahay khabiir muddo dheer soo shaqeynayey, islamarkaana uu karti iyo aqoonba u leeyahay dhismaha nidaam dowladeed oo taabo gal ah.

Haddii uu ku guuleysto xilka madaxweynaha Puntland ee shanta sano ee socota, wuxuu C/laahi Siciid Samatar ballan qaaday arrimo dhowr ah oo ay ugu mihiimsanaayeen: mideynta bulshada Puntland iyo sugidda ammaanka isagoo sheegay inuu dhisi doono ciidamo boolis ah oo tayo leh iyo hay'ad sirdoon oo si wanaagsan u shaqeysa.

Maxamed C/nuur Xirsi
Murashaxu wuxuu sheegay in barnaamijkiisa siyaasadeed ay kaalinta koowaad kaga jiraan arrimo ay kamid yihiin: habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, dardar gelinta ganacsiga iyo dhiiri gelinta ganacsata iyo weliba in Puntland ay yeelato ciidamo xooggan oo awood u leh inay ammaankeeda sugaan.

Cali Cabdi Awaare
Murashax Cali Cabdi Awaare oo isaga ay tahay markii labaad ee uu isu soo sharaxo xilka madaxweynaha ee maamulka Puntland, ayaa isna golaha kahor jeediyey taariikh nololeedkiisa oo kooban iyo weliba waxyaabaha u qorsheysan inuu qabto haddii uu doorashada madaxtiniamda kusoo baxo. Cali Cabdi Awaare wuxuu sheegay inuu yahay muwaadin jecel horumarka Puntland, mar walbana uu u heelan yahay.

C/raxmaan Maxamed Faroole
Madaxweynaha uu waqtiga uu xafiiska joogayaa dhamaaday ee C/raxmaan Maxamed Faroole, xilliganna ah murashax u tartamaya in mar labaad loo doorto xilka madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii hadalka qaatay.

Madaxweyne Faroole wuxuu ka sheekeeyey waxqabadka xukuumaddiisa mudaddadii shanta sano ahayd ee ay jirtey, isagoo tilmaamay in xukuumaddiisu ay la timid waxqabad muuqda, si gaar ah wuxuu uga hadlay qaabeynta hay'adaha kala duwan ee dowladda, dhismaha ciidamada iyo tayeynta waxbarashada iyo caafimaadka.

Isagoo ka hadlayey waxa u qorsheysan haddii la doorto wuxuu tilmaamay in qorshihiisa ugu weyni uu yahay sidii horay looga sii dhaqaajin lahaa meesha ay Puntland hadda joogto, loona dhamaystiri lahaa baarnaamijyada xukuumadiisu ay la timid ee qabyada ah.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Nuxurka khudbaha murashaxiinta ayaa kusoo ururayey dhowr qodob oo kala ahaa: sugidda ammaanka Puntland iyo dhismaha ciidamo xoogan; kobcinta dhaqaalaha iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha; tayeynta siyaasadda dibadda iyo xoojinta xiriirka maamullada; iyo dalalka deriska ah iyo qodobka ay murashaxiintu ka wada dhawaajiyeen oo ahaa soo celinta gobollada Puntland ee xilligan uu maamulka Somaliland ka arrrimiyo

Maalinta berri ah marka ay goor sheegta gobolka Geeska Afrika ay tahay 8:00 subaxnimo, ayaa waxaa Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Garoowe ka dhici doonta doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Waxaana xusid mudan in doorashada sanadkan 2014 ay tahay middii ugu xiisaha iyo saameynta badneyd ee abid Puntland ka dhacda, iyadoo ay xilka madaxweynaha u tartami doonaan 11 murashax oo madaxweynaha shantii sano ee lasoo dhaafay Puntland hoggaaminayey C/raxmaan Faroole uu ku jiro iyo weliba 10 murashax oo kale oo iyaguna u tartami doona xilka madaxweyne ku-xigeenka, murashaxiintaas waxaa qayb ka ah madaxweyne ku-xigeenkii hore Jen. C/samed Cali Shire oo mar kale doonaya in lasoo doorto.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya