Talaado, Janaayo 07, 2014 (HOL) — Ururka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa shaaciyay magacyada garsoorayaal Soomaali ah oo ururkaas ka sii mid ahaanaya sanadaha soo socda ,waxaana jira kuwa kale oo laga saaray xubinimada ururkaas ,iyadoo la eegayo shaqada adag ee hortaalla.Wajiyada cusub ee lagu soo daray liiska ay soo saartay FIFA oo ay ku jiraan cawiyayaal heer caalami ah waxaa kamid ah Maxamed X. Xasan, Maxamed Muuse Cabdullahi, Aweys Cabdullahi Sheekh iyo waliba Cali Maxamuud Mahad.Bashiir Colaad Carab oo isna horey u ahaa caawiye heer caalami ah ayaa laga dhigay garsoore joogta ah ,waxaana isku shaandhayntan cusub ay ku soo beegmaysa iyadoo sanadkan dhexdiisa wadanka Brazil lagu qaban doono koobka adduunka oo wadamo badan ay ka soo qayb-gali doonaan.Liiska laga saaray shaqada FIFA waxaa ku jira goorsarayaal horey u soo qabtay shaqooyin kala duwan waxaana kamid ah Nuur Maxamed Cabdulle (Rooso) ,Aweys Cabdullahi Nuur, Osman Cabdi Cumar (Shuriye) iyo Maxamed Xassan Fiidow.“Waxa kaliya een dhihi karno ayaa ah in ay ahaayeen garsoorayaal wanaagsan marka loo eego xirafaddooda gudaha dalka iyo waliba tan heer caalami ,markasta annaga waan u mahad-celinaynaa “ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska hormarinta garsoorayaasha Soomaaliya.Guddomiyaha xafiiskaas oo lagu magacaabo Cabdi Cabdulle Axmed ayaa xusay in liiska cusub ee lagu soo daray shaqada FIFA ay u badan yihiin dhallinyaro horey garsoorayaal uga soo noqday horyaalka Soomaaliya, isla markaana ay aqoon durugsan u leeyahaiin howshan loo dhiibay.“In badan oo aqoon ah ayey ka soo kororsadeen garsoorayaashan da’da yar tababarro loogu qabtay wadanka Jabuuti sanadkii 2012-ka, waana hubnaa in ay ka soo bixi karaan masuuliyaddan cusub”ayaa mar kale lagu xusay warka ka soo baxay SSF.Waa markii ugu horeysay oo tiro intaa le ‘eg loo magacaabo shaqada FIFA tan iyo bur-burkii dowladdi dhexe ee Soomaaliya, waxaana arintan loo arkaa mid kamid ah horrumarada dhinaca isboortiska ee Somaaliya ay ku tallaabsatay sanadahan.Faysal Mohamed Hassan[email protected]