4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2014
JAWAARI: “Waa inaan xafiisyo ku yeelanaa Gobollada Soomaaliya”
Talaado, Janaayo 07, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa hadal uu u jeediyay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ku sheegay in baarlamaanka uu sannadkan ugu yaraan saddex gobol oo dalka ka tirsan ay ka furanayaan xafiisyo.

Jawaari ayaa sheegay in qorshe-howleedkii baarlamaanka ee la ansixiyay sannadkii 2012 ay ka mid ahayd in lala xiriiro dadweynaha gobollada iyo degmooyinka dalka ku nool, iyadoo taas laga duulaya la doonayo inaan ku yeelanno xafiisyo gobollada dalka qaarkood.

“Shanta bilood ee ugu horreysa sannadkan, waa inaan ugu yaraan saddex gobol oo gobollada dalka ka mid ah ku yeelanaa xafiiyo kuwaasoo ay ku shiri karaan dadweynaha xildhibaannaduna kala xiriiri karaan,” ayuu yiri Jawaari oo sheegay in baarlamaanka ay tahay inuu isagu hormuud u noqdo in dalka uu ka sameysto xafiiyo inta uusan xukuumadda ku canaanan inay xafiiyo ka furato gobollada dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in qorshayaasha ay xildhibaannadu ku tagayaan gobollada dalka ay tahay mid lagula tashanayo shacabka Soomaaliyeed, inta snnadkan lagu jirana la qabto shirweyne qaran oo lagu soo gaba-gabeynayo wadatashiyadaas.

“Waxaan qorsheynaynaa in inta uusan sannadkan dhammaan la qabto shir-weyne Qaran oo lagu soo gaba-gabeynayo la tashiyada ku saabsan dastuurka iyo arrimaha kale ee dalka oo dadweynaha Soomaaliyeed lala yeelanayo, waxaana shirweynahaas uu ka dhici doonaa Muqdisho iyo halkii kale ee la isku af-garto,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Isagoo sii sharraxaya qorshayaasha ay xildhibaanadu ku aadayaan qaar ka mid ah gobollada dalka ayuu yiri: “Sababaha ugu waaweyn ee aan gobollada u aadayno waa sidii aan aaraada dadka u soo ururin lahayn, si shirweynaha la qabanahyo loogu soo bandhigyo waxyaabihii shacabka laga soo ururiyay.”

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in shirweynaha la qabanayo la isugu keeni doono in ka badan 3,000 oo qof oo gobollad dalka oo dhan ka imaanaya, si loo dhageysto fikaradahooda, wuxuuna xusay inay tani qayb ka tahay howlaha waaweyn ee sannadkan horyaalla baarlamaanka Soomaaliya. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya