4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2014
Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo dayactir lagu wado (SAWIRRO)


Talaado, January 07, 2014(HOL) :- Howlo lagu dayactirayo garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa marayo gabo gabo, iyadoona la dhameeyay inta badan shaqooyinkii laga waday dhismayaasha ku yaal garoonka.

Qeybaha ugu badan ee uu dayactirka ka socday ayaaa waxa kamid ah qeybta immigrationka oo ay ku yaali jireen dhamaan xafiisyadii kala duwanaa ee garoonka, kuwaasoo uu soo gaaray burbur xooggan mudadii ay dalka ka socdeen dagaallada sokeeye.

Howlaha dayactirka ah ayaa waxa iska kaashanaya maamulka KMG ee Jubba iyo weliba shirkadda horumarinta Kismaayo ee magaceeda loo soo gaabiyo (KDC).
Mid kamid ah injineerada dhismaha ka wada garoonka ayaa HOL u shegeay in howsha dayactirka ay mareeyso heer gabogabo ah, islamarkaana ay dayactir ku sameeyeen inta badan dhismayaashii burbursanaa ee uu lahaa garoonka.

Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo ah garoonka aad u mashquul badan islamarkaana ay yimaadaan diyaarado ganacsi iyo kuwa rakaab ah oo ka kala yimaadaan gobollada dalka Soomaaliya iyo weliba qaar kamid ah wadamada deriska la ah Soomaaliya ayaa mudooyinkii u danbeeyay ahaa mid aad u burbursan kaasoo ay dhib ku qabi jireen rakaabka ka dhoofa iyo kuwa  kasoo dega, maadaama ay burbursanaayeen xafiisyadii waaxda socdaalka iyo weliba Hoolka ay rakaabku fariistaan.

Howlaha dib loogu dayactirayo garoonka ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka, kuwaasoo sidoo kale ugu baaqay shirkadda dhismaha garoonka iyo maamulka Jubba in dhismayaal cusub lagu kordhiyo garoonka maadaama isticlmaalkiisu uu aad u badanyahay.





Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya