4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2014
Qoraa Aw Jaamac Cumar Ciise oo caawa geeriyoodey

Isniin, Janaayo 06, 2014 (HOL)— Saacado kahor waxaa magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ku geeriyoodey -AHN- Qoraa Aw Jaamac Cumar Ciise oo kamid ahaa kuwa ugu caansan qalinleyda soomaaliyeed.

Qoraa Axmed Faarax Cali Idaajaa oo goor dhow la hadlay laanta Afka-soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa xaqiijiyey geerida Aw Jaamac Cumar Ciise.

Idaajaa ayaa sheegay in muddooyinkii dambe uu qoraagu xanuunsanaa islamarkaana uu ku jirey isbitaal ku yaalla magaalada Jabuuti, isbitaalkaas oo caawa fiidkii uu ku geeriyoodey.

Aw Jaamac Cumar Ciise wuxuu ku dhashay miyiga degmada Qandala ee gobolka Bari sanadkii 1922, wuxuuna wax ka qoray suugaanta iyo sooyaalka Soomaalida.

Sanadkii 1954 ayuu bilaabay inuu wax ka qoro taariikhda iyo suugaanta Soomaalida, wuxuuna ka tegey buugaag badan oo dhaxal gal ah, kuwaas oo macluumaad badan uu kusoo uruuriyey.

Tariikh nololeedka AHN Aw Jaamac Cumar Ciise dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa. Maamulka iyo hawl-wadeenada Hiiraan Online waxay geerida qoraaga uga tacsiyeynayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya