4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2014
Liiska murashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ee ka qayb gelaya doorashada madaxtinimada Puntland
Isniin, Janaayo 06, 2014 (HOL)— Guddiga doorashada ee Puntland ayaa goor dhow shaaciyey magacyada murashaxiinta ka qayb gelaya doorashada madaxtinimada ee u taagan xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland shanta sano ee soo socota.

Guddoomiyha guddiga doorashada Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad ayaa waxyar kaddib markii uu soo idlaaday waqtiga qabashada araajida murashaxiintu, wuxuu warbaahinta usoo gudbiyey liiska murashaxiinta rasmiga ah ee ku tartami doona doorashada dhici doonta maalinta Arbacada ee ay taariikhdu ku beegan tahay 8-da bisha Janaayo ee sanadka 2014.

Magacyada murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha ayaa kala ah:

  1. C/raxmaan Maxamed Faroole
  2. Cali Xaaji Warsame
  3. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas
  4. Shire Xaaji Faarax
  5. Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yeey
  6. Cali Cabdi Awaare
  7. Cali Cabdiqaadir Yuusuf
  8. Cabdiwali Maxamuud Guray
  9. Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
  10. Cabdilaahi Siciid Samater
  11. Maxamed Cabdinuur Xirsi

Xilka madaxweyne ku-xigeenkana waxaa u tartami doona:

  1. Cabdisamad Cali Shire
  2. Daahir Xaaji Khaliif Maxamed
  3. Cabdirisaaq Maxamed Cumar
  4. Maxamed Xirsi Ducaale
  5. Maxamuud Caydiid Dirir
  6. Axmed Cilmi Cismaan Garaash
  7. Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar
  8. Xusen Xaashi Xasan
  9. Cabdilaahi Cali Xirsi Timacade
  10. Cabdilaahi Daahir Maxamuud

Maalinta berri ah ayey murashaxiintu golaha wakiillada kahor jeedin doonaan taariikh nololeedkooda oo kooban iyo weliba waxyaabaha ay qaban doonaan haddiiba ay doorashada ku guuleystaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya