4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2014
Booyadaha Magaalada Laascaanood oo shaqo joojin Sameeyay (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 06, 2014 (HOL) — Kumannaan gaadiidka biyaha dhaamiya ah iyo kuwa xamuulka ah ayaa shaqo joojin ka sameeyey magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool, kuwaasoo ka cabanay cashuuro dheeri ah oo la saaray.

Gaadiidkan oo ka kooban kuwa biyaha u dhaamiya magaalada iyo kuwa kale ee raashinka ka keena dekedaha ayaa lagu ururiyay dhinaca Koonfureed ee magaalada; iyagoo sheegay inaanay halkaas ka dhaqaaqeyn illaa wax laga qabto cashuurta aanay qaadi karin.

Xaaji Kawle oo ka mid ah guddiga gaadiidleyda ayaa wuxuu sheegay inay shaqo joojinta ay wadayaan inta ay ka helayaan qiima dhimis cashuurta ah oo aanay qaadi karin dadkuna aanay qiima kordhin awoodi karin isagoo xusay foostada biyaha ah xareeda ah inay ku bixiyaan laba doolar ayna adag tahay inay ka kordhiyaan.

Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Laascaanood ayaa arrintaan ku tilmaamay mid ku ah dil; maadaama aysan dadku heli karayn biyo ay cabaan ama ku karsadaan raashinka oo aan ka ahayn kuwa booyaduhu u soo dhaamiyaan.

Arintan oo gaarin 24 saac ayaa laga dareemayaa magaalada Laascaanood iyadoo aad arkaysid dad badan oo wata agab biyood kuwaasoo wareegaya magaalada iyo gaadiidka yaryar oo durdurka duleedka magaalada ku yaala biyo kasoo dhaaminaya.

Kumannaan dad ah oo ay ka mid yihiin barakacayaasha ayaan la saadaalin karin saacadaha soo socda heerkooda nololeed iyo sida ay u maarayn karaan noloshooda, waxaana laga walaacsan yahay inay biyo ka dhigtaan ceelal magaalada ku dhex yaalla oo horay dhakhaatiirtu u mamnuucday in biyohooda la cabo.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maaliyada oo aan ka ahayn in cashuurtan ay tahay mid aanay iyagu wax ka badalkeeda aysan u lahayn awood.







Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool