4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2014
Howlgallo laga sameeyay Waddada isku xirta Magaalada Beledweyne iyo Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 06, 2014 (HOL) — Cutubyo ka tirsan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay howlgal sida la sheegay lagu soo galbinayay hub iyo saanad u rarneyd ciidamada Jabuuti, waxaa ay ka sameeyeen wadada isku xirta magaalada Beledweyne iyo Matabaan.

Saraakiisha ciidamada qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalku ahaa mid lagu soo galbinayay ilaa 10 gadiidka kuwa xamuulka qaada ah oo saanad millitari u siday ciidamada Jabuuti.

Mudadii ay jidka ku soo jireen gadiidka xamuulka ah ayaa la sheegay inay caqabado kala kulmeen kooxo hubeysan oo ay saraakiisha ciidamada maamulka ku tilmaameen in ay ka tirsanaayeen xarrakada Al-shabaab.

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawaan warbaahinta u sheegay in gobolka Hiiraan u dirrayaan ciidamo dheeraad ah oo gaaraya ilaa 1000 askari, kuwaa oo qeyb ka noqon doona sida uu hadalka u dhigay howlgalka qeybta afraad ee AMISOM.

Lama sheegin wax iska horimaad ah oo ka dhashay howlgalka ay ciidamada wadajirka ah ka sameeyeen maanta waddada isku xirta magaalada Beledweyne iyo degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.






C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
eledweyne, Soomaaliya