4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2014
RA’IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA: “Waxaan ku Wajahannahay Goobaha ay Al-shabaab ka taliso”

Isniin, Janaayo 06, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sh. Axmed Maxamed ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay inay Al-shabaab ka saarto deegaannada ay gacanta ku hayso ee bartamaha iyo koonfurt Soomaaliya.

Mudane C/weli Sheekh ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay weerari doonaan goobaha ay dalka kaga sugan yihiin Al-shabaab, inkastoo uusan sheegin xilliga ay weerarradu billaabanayaan iyo goobaha ay ku wajahan yihiin.

“Ciidamadeenna oo kaashanaya kuwa AMISOM waxay diyaar u yihiin inay weerarro ku qaadaan deegaannada ay weli Al-shabaab kaga sugan yihiin dalka. Howgalladuna waa kuwo bilba bisha ay ka dambeyso sii xoogeysan doona,” ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay ka yihiin horseed dib u xoreynta goobaha ay Al-shabaab kaga sugan tahay dalka. Isagoo xusay in howgallada soo socdana ay horseed u noqonayaan.

“Qorshaheennu waa sidii aan u xoreyn lahayn dadka ku nool goobaha ay ka taliso AL-shabaab. Waayo Al-shabaab waxay dadka deegaannadaas ku nool u haysataa qaab afduub oo kale ah, taasna waa midda aan duullaanka ku nahay,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay dowladda Soomaaliya in sannadkan uu noqdo sannadkii dalka oo dhan laga saari lahaa Al-shabaab, lana soo celin lahaa nabadda.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad uu jeediyay ku sheegay inay ka go’an tahay in Al-shabaab laga saaro guud ahaan Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisu ay la hadlayso Al-shabaab haddii ay ka tanaasulaan fikarro uu sheegay inay saleysan yihiin dhibaateynta iyo dilalka shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Hadii kaelna ay sii wadi doonaan dagaallada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya