4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2014
Guddiga ammaanka Puntland oo ka hadlay qaabka loo sugayo ammaanka magaalada Garoowe maalinta doorashada (SAWIRRO)
Isniin, Janaayo 06, 2014 (HOL) —Waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland oo maalin kaddib ay ka dhici doonto doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee shanta sano ee soo socota.

Ciidamada ammaanka oo heegan sare ku jira ayaa lagu arki karaa dhammaan jidadka waaweyn ee magaalada iyo weliba waddooyinka yaryar ee xaafadaha dhex mara.

Labada kantarool ee Garoowe laga soo galo, waxaa si aad ah loogu baarayaa dadka iyo gaadiidka magaalada soo gelaya iyo weliba kuwa ka baxaya.

Goobaha sida weyn ammaankooda loo sugayo waxaa kamid ah Aqalka Baarlamaanka, halkaas oo maalinta Arbacada ay doorashada madaxtinimadu ka dhici doonto.

Dhanka kale, guddiga ammaanka Puntland -xilliga doorashada- oo maanta magaalada Garoowe shir-jaraa'id ku qabtay, ayaa sheegay in la bilaabayo wejiga saddexaad ee howlaha la xiriira sugidda amniga.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland ahna guddoomiyaha guddiga ammaanka Puntland -xilliga doorashada-
Jen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), ayaa sheegay in maalinta doorashada la xiri doono jidka isku xira gobollada Puntland iyo dalka intiisa kale.

Taliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay, in gaadiidka magaalada ku sugan  laga weecin doono bartanka magaalada, islamarkaana ay mari doonaan jid raf ah oo ka durugsan bartamaha magaalada.

Wasiiirka amniga Puntland Kol. Khaliif Ciise Mudan oo isna shirkaas jaraa'id ka hadlay, ayaa ku boorriyey ciidamada ammaanka in ay mas'uuliyad iyo feejignaan dheeri ah muujiyaan.

Qalabka is-gaarsiinta ayaa la mamnuucay in hoolka ay doorashadu ka dhacayso lala galo, waxaa sidoo kale la mamnuucay in baabuurta lagu baakimo meel u dhow Aqalka Baarlamaanka


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya