4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2014
Murashax Caluula oo ka baxay tartanka doorashada Puntland

Isniin, Janaayo 06, 2014 (HOL) —Murashax Cabdirisaaq Nuur Caluula oo kamid ahaa murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uusan ka qayb geli doonin doorashada madxtinimada ee Arbacada soo socota ka dhici doonta magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Murashaxa oo shir-saxaafadeed ku qabtay guriga uu magaalada Garoowe ka deggen yahay, ayaa sheegay inuu go'aan ku gaarey in uu tartanka ku baxayo isagoo ka gaabsaday inuu faah faahiyo sababta arrintaas ku kalliftay.

“ Anigoo ah Murashax Cabdirisaaq Nuur Caluula waxan go'aansaday inaan tartanka doorashada isaga baxo...murashaxa ugu da'da yar ayaan ahaa, waxan filayaa in taasi ay dhalinyarada ku dhiiri gelin doonto in an han sare yeeshaan siyaasaddana ay ka qayb galaan...“ Caluula ayaa sidaas yiri.

Mar aan weydiiyey inay jiraan murashaxiin kale oo ay xulufo yihiin iyo in ay jirto cid uu u tanaasulay, wuxuu yiri: "ma jiro cadaadis meel kale iiga yimid, cidna uma tanaasulin ee aniga ayaa iskay u go'aansaday inaan tartanka ka baxo"

Murashax C/risaaq Caluula oo ahaa murashaxa ugu da'da yar kuwa isu soo taagay xilka madaxweynaha, waa murashaxii labaad ee muddo 24 saacadood gudahood ah ku dhawaaqay inuusan doorashada ka qayb geli doonin.

Guddiga doorashada ayaa shalay oo Axad ahayd bilaabay qabashada araajida murashaxiinta u tartamaya xilalka madaxweynaha iyo weliba madaxweyne ku-xigeenka, maalinta berri ah ayeyna baarlamaanka ka hor jeedin doonaan taariikh nololeedkooda iyo waxyaabaha ay qaban doonaan haddii la doorto.


Maxamed Salaad  Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya