4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2014
Murashax Yaasiin F. Cartan " waan qaadacay doorashada Puntland"

Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) — Murashax Yaasiin Faarax Cartan oo kamid ahaa murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay in uu qaadacay islamarkaana aanu ka qayb geli doonin tartanka doorashada.

Dr. Yaasiin oo guriga uu magaalada Garoowe ka deggen yahay warbaahinta kula hadlay, ayaa go'aanka uu doorashada uga baxay u sababeeyey dhowr arrimood.

Ugu horreyn wuxuu sheegay in guddiga doorashadu ay soo bandhigeen shuruudo aan munaasib ahayn oo aan la aqbli karin, isagoo dhinaca kale dhaliilay qaabkii ay u shaqeeyeen guddigii ansixina ee xildhibaanada soo xulay.

"shuruudo aan la qaadin karin ayey keeneen baarlamaankii shalay la doortay, sidaas daraadeed anigoo ah Dr. Yaasiin Faarax  Cartan waxan qaadacay doorashada sanadkan ka dhacaysa Puntland..." ayuu yiri.

Murashax Cartan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, in baarlamaanka aan lagu soo xulin qaab sharci ah, arrintaas oo sida uu hadalka u dhigay saameyn xun reebi karta.

Yaasiin Faarax Cartan oo horay wasiir uga soo noqday Puntland, wuxuu 28, 8, 2013 ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha ee maamulka Puntland.

Maxamed Salaad  Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya