4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2014
Tallaalka dabeysha oo ka billowday Ismaamulka Soomaalida Itoobiya (SAWIRRO)


Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) — Waxaa rasmi ah uga billowday magaalada Jig-jiga oo ah xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ololaha talaalka dabeysha caruurta da'doodu ka hoosayso 15-ka sano ,waxaana talaalka la wada gaarsiinayaa dhamaan gobollada iyo degmooyinka ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu ka koobanyahay.

Munaasabad lagu daah-furayay ololahaas oo ay ka soo gayb-galeen madax kala duwan ayaa waxaa qudbad –gaaban ka jeediyay madaxweyne ku xigeenka dowlad deegaanka Somalida Cabdifitaax Maxamuud Xasan ahna wasiirka caafimaadka, isagoo shaqaalaha kula dar-daarmay in ay howlaha talaalka  si fiican u hirgaliyaan.

“Dhamaan xafiisyada arintan ay qusayso waxaa looga baahanyahay in ay ka qayb-gallaan ilaalinta caafimaadka dadka ,waana in meel kasta oo ka tirsan gobollada dalka la gaarsiiyaa talaalka “ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka oo hamblayo gaar ah u diray shaqaalaha arintan ka qayb-qaadanaya.

Howl-galkan waxaa si wada jir ah u fulinaya hay’adaha kala ah WHO,UNICEF iyo waliba wasaaradda caafimaadka ,iyadoo dhibicdii ugu horeysay ee talaalka  afka looga dhibciyay gabar  hal sano jir ah, waxaana intaa ka dib shaqaaluhu ay bilaabeen in ay booqdaan xaafad kasta oo ka tirsan magaalada Jig-jiga.

“Dadka dagan dhamaan gobollada dalka waa in ay si isku wada mid ah u qaataan talaalka waayo faa’iido gaar ah ayuu u leeyahay caruurta yar-yar,“ ayuu hadalkiisa ku daray Cabdi-fitaax oo ku baaqay in cudurka dabaysha guud ahaan laga dabar-gooyo ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Inkastoo uusan ahayn ololihii ugu horeeyay hadana waxaa magaalada Jig-jiga la keenay caruur badan ,kuwaasi oo la rajaynayo in ay talaalka qaataan si meesha looga saaro cudurada  talaal la’aanta ka dhasha.

Ugu danbaytnii ololaha la daah-furay ayaa noqonaya wareeggii shanaad ee talaalka booliyada caruurta ka yar 15-ka sano ,waxaana dowladdu ay ka digtay waalidiinta caruurtooda u diida in ay talaalka qaaataan.



Faysal Mohamed Hassan
[email protected]