4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2014
Mid ka mid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan oo Caleemo Saaratay Suldaan (SAWIRRO)


Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) — Sannadihii burburka odayada dhaqanka & nabadoonada beelaha Soomaaliyeed waxay ahaayeen qeyb muhiim ah oo aan looga maarmin xalinta khilaafaadka, dib-u-hishiisiinta iyo joojinta colaadaha gaar ahaan dagaallada ku saleysan qabiilka, waana tan keentay in beel walba oo Soomaaliyeed yeellato nabadoon ka xigsada xaajo walba oo la soo darista beesha uu hadba odaygga u yahay isaga oo xiriir toos ah la yeellanaya duubabka la midka ah ee beellaha kale.

Hadaba mid ka mid ah beellaha dega gobolka Hiiraan ayaa maanta waxay magaalada Beledweyne ku calleemo saarteen suldaan Xusseen Max’uud Max’ed [Xusseen Dugaal] oo sida ay sheegeen badalli doona nabadoonkii hore ee beesha oo geeriyooday.

Suldaanka oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in xilka loo dhiibay uu yahay mid aad u culus, waxaana uu ka codsaday dhamaan waxgaradka beesha in ay ku gacan siiyaan siddii gudashada xilka lagu aaminay.

‘’Waan soo dhaweyneynaa xilkan ay beesha uga Aamintay, dabcan waa uu culus yahay, laakiin waxaan Alle ka rajeynayaa in uu Ila garab-gallo,’’ ayuu yiri Suldaan Xusseen Dugaal.

Wax-garadkii iyo odayaashii kale ee madasha ka hadllay ayaa sheegay in markii uu geeriyooday nabadoonkii hore ee beesha ila garteen in uu hogaamiyo nabadoonka cusub ee maanta la calleemo saaray, iyaga oo u rajeeyay in uu guto howsha baaxada leh ee hortaalla.

Suldaan Xusseen Dugaal ayaa ugu baaqay guud ahaan beellaha dega gobolka Hiiraan in nabada laga shaqeeyo wax kasta oo leysku hayana lagu dhameeyo hab ku dhisan wada hadal iyo walaalnimo.

Bilihii ugu danbeeyay gudaha dalka Soomaaliyeed waxaa ku badnaa munaasabadaha calleemo saarka nabadoonnada beellaha, madaama marka laga soo  tago arrimaha dhaqanka waayadii ugu danbeeyay duubabka qeyb ka ahaayeen jaan-gooynta siyaasada dalka iyo qaadashada go’aanka ugu danbeeya ee hadba beesha  ay wakiilka ka yihiiin, iyadoo la og-yahay kaalintii ay ku lahaayeen odayaasha dhaqanka dhismaha dowladda xiligan jirta.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya