4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2014
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh oo Ammaanay Doorashadii Guddoonka Baarlamanka Puntland

Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa soo dhaweeyay doorashadii guddoonka baarlamaanka Puntland ee shalay lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Mudane C/weli Sheekh ayaa ku tilmaamay doorashadaas mid u dhacday si hufan oo ku dayasho mudan.

“Waxaan si weyn ugu hambalyaynayaa dhammaan xubnaha baarlamaanka Puntland iyo gudoomiyaha cusub ee golaha wakiillada, Siciid Xasan Shire, guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha wakiillada, Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad, Xuseen Yaasiin Diiriye. Waxaan dhammaantood u rajaynayaa inuu ilaahay u fududeeyo mas’uuliyaddai loo doortay, iyaguna ay kasoo dhalaalaan xilkaas ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intas ku daray: “Si dhow ayaan ula socday doorashadii guddoonka baarlamanka Puntland ee shalay lasoo gaba-gabeeyay, waxay ahayd doorasho taariikhi ah oo muujisay bisaylka siyaasadeed ee Puntland ay ku talaabsatay oo tusaale wasaangsan u ah dhismaha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.”

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha ayaa u rajeeyay doorashada madaxweyne-nimada ee dhawaan la qaban doono inay ku dhammaato hannaan raali laga wada yahay oo dimuqraadi ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya