4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 5 , 2014
UNSOM oo diriiska ciidamada ugu deeqday Puntland (SAWIRRO)
Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) —Xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya qaybtiisa Puntland ayaa maanta deeq ka kooban 600 oo ah diriiska ciidamada wuxuu ku wareejiyey guddiga ammaanka Puntland xilliga doorashada.

Madaxa xafiiska UNSOM ee Puntland Cumar Abuub ayaa deeqdan ku wareejiyey taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland  Jen. Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere).

Wuxuuna sheegay in ay tahay mid kooban, haseyeeshee loogu tala galay in la siiyo ciidamada sugaya ammaanka magaalada Garoowe xilliga doorashada.

"Uniformakan in la keeno waxaa codsaday Jen. Siciid Dheere, waxaana si gaar ah loogu tala galay xilliga doorashada, sida aad ogtihiin doorasho ayaa inaku soo aadan oo waqtigeeda ay wax yari ka dhiman yihiin, waana sababta aan dadaalka xooggan ugu bixineyno sidii aan howshan ugu dhameyn lahayn kahor xilliga doorashada.." Cumar Abuub.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland xilliga doorashada Jen. Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) ayaa uga mahad celiyey xafiiska UNSOM deeqda uu soo gaarsiiyey, isagoo sheegay inay kusoo beegantay xilli aad loogu baahnaa.

Deeqdan ayaa kusoo aadeysa xilli ammaanka magaalada Garoowe oo maalinta Arbacada ee bisha Janaayo ay 8-da ku beegan tahay doorashada madaxtinimadu ka dhici doonto si aad ah loo adkeeyey.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya