4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2014
Askar ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dil lagu xukumay

Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) — Saddex askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Somalia ayaa lagu xukumay dil toogasho, kaddib markii lagu helay inay dileen askar iyo dad shacab ah, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya faraceed gobollada Bay iyo Bakool, Sheekh Xuseen Maxamed Mursal.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in saddexdan askari ay ahaayeen ciidammo ka tirsn guutada 60-aad ee ciidamada xoogg dalka ee ka howlgasha gobollada Bay iyo Bakool, isgaoo intaa ku daray in hubka iyo dharka ciidamada ay si cad dambi ugu galeen, ayna ku xukumeen dil toogasho ah.

“Maxkamaddu waxay ku heshay askartan inay hubkii ay dowladdu u dhiibtay iyo direyskii ay xirnaayeen ay ku dhibaateeyeen dad shacab ah, waxaana maxkamaddu ay ku xukuntay dil toogasho ah,” ayuu ku yiri wareysi uu guddoomiyuhu siiyay warbaahinta.

Saddexda askari ee la xukumay ayaa waxay magacyadooda kala yihiin: Yuusuf Isaaq Nuur oo 23-jir ah, kaasoo lagu helay inuu dilay kaddibna ceel ku riday askari ciidanka dowladda Soomaaliya ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray, Mustaf Xaaji Xasan.

Jamaal Cali Maxamuud oo 21-jir ah, laguna helay inuu dilay askari ciidamada dowladda Soomaaliya ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray, Isaaq Xasan iyo Cali Aadan Isaaq oo 47-jir ah oo lagu helay inuu dilay guddoomiye ku xigeenkii xaafada Horseed ee Baydhabo oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Madoobe Aadan.

Sidoo kale, Sheekh Xuseen Mursal wuxuu sheegay in qof walba oo dhibaato u geysta shacabka ay maxkamaddu marsiin doonto waajibkiisa, isagoo aan sheegin xilliga askarta la xukumay lagu fulin doono dilka toogasho.

“Dadweynaha ku nool gobollada Bay iyo Bakool waa kuwo dowladnimada aad u jecel, waxaase jira kuwo diidan oo dhibaatooyin ka geysanaya, waan qaban doonnaa kuwaas, dambiyada ay galeenna waa lagu ciqaabi doonaan,” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegay in xukunkan uu yahay kii ugu horreysy oo ay maxkamaddu ka fuliso gobollada Bay iyo Bakool, balse ay horay u jireen xukunno lagu riday askar iyo xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku xiran xabsiga Baydhabo.

Xabsiga degmada Baydhabo ayaa waxaa ku jira boqolaal ruux oo dambiyo kala duwan loo haysto, kuwaasoo qaarkood aan weli wax maxkamad ah la hor-geyn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya