4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2014
Prof. Jawaari oo sheegay in ra’iisul wasaaraha Somalia uu ka codsaday in la hakiyo ka hadalka hindiseyaal horyaalla Baarlamaanka


Sabti, Janaayo 04, 2014 (HOL) — Xildhibaannada barlamaanka Somalia oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka dooday daraasad ku saabsan  golayaasha sharci dajinta Soomaaliya, waxaana xildhibannada loo qaybiyay qorshe howleedka uu ku shaqeyn doono baarlamaanka Somalia sannadka cusub 2014-ka.

Kulankii maanta ee baarlamaanka ayuu guddoomiyaha baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa xildhibannada u akhriyay codsi uu sheegay inuu kaga yimid ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed Maxamed oo ku saabsanaa in la hakiyo hindise sharciyeedyada hor-yaalla baarlamaanka horyaalla inta uu kasoo dhisayo xukuumaddiisa cusub.

“Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaa iiga yimid codsi la xiriirta sharuucda aan kasoo shaqaynay ee kal-fadhigeenii inta badan qaatay, qaarkoodna ay guddiyada baarlamaanku gacanta ku hayaan, wuxuuna uu naga codsaday in aan hakino ka doodista iyo meel-marinta hindise sharciyeedyada kala ah: dastuurka, garsoorka, xuquuqul insaanka, la dagaallanka argagixisada, xuduudaha iyo federaalka, maal-gashiga shiyeeye ee Soomaaliya, dhismaha hay’adda maareynta musiibooyinka iyo bankiga horumarinta Soomaaliyeed,” ayuu Jawaari u sheegay xildhibaannada.

Intaa kaddib xildhibaannada baarlamaanka ayaa loo qaybiyay, isla markaana ay gudda galeen ka hadlidda daraasaad ku saabsan taxanaha golayaasha shacri-dajinta Soomaaliya, taasoo uu guddoonka soo diyaariyay, waxaana Jawaari uu xildhibaannada u sharraxay daraasadan iyo baahida xilligan loo qabo.

“Sida uu qabo qodobka 139-aad ee dastuurka Somali sharuucdii hore iyo go’aannadii uu baarlaamaanku garay haddii aanay dastuurka ka hor imaanayn ama aan la burin sida waafaqsan dastuurka waa kuwo sii jiraya, waa sharci dejin loo baahan yahay in sharuucda cusub lagu sii dul dhiso sharciyadii horay u jiray halkaana laga sii wado dhaqanka sharci dejinta dalka. Waa inaan taxadar siinno mar walba tayada iyo wax tarka sharuucda aan meel-marinayno iyo go’aannada baarlamaaniga ah ee aan gaarayno,” ayuu Jawaari yiri isagoo sharraxaad ka bixinayay qorshe howleedka baarlamaanka ee sannadkan.

Kulankii maanta ee baarlamaanka oo ay soo xaadireen 182 xildhibaan ayna goob-joog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee baarlamaanka ayaa xildhibaannada waxaa loogu qaybiyay qorshaha ay ku shaqeyn doonaan xildhibaannada sanadkan cusub ee 2014-ka, maadaama uu sannadkan xildhibaannada u yahay kan ugu shaqada badan, iyadoo laga sugayo in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah marka lgaaro sannadka 2016-ka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u ansxiyay hidise sharciyeedyo ay soo diyaarisay xukuumaddii Saacid, kaasoo uu ugu dambeeyay miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeynayso saddexda bilood ee soo socota.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya