4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2014
Wada-hadalladii Magaalada Addis Ababa Uga Socday Dhinacyadii Dowladda Koonfurta Sudan iyo Mucaaradka oo hakad galay


Sabti, Janaayo 04, 2014 (HOL) — Waxaa dib loo dhigay wadahadalladii u socday wufuud ka kala socota dowladda Koonfurta Suudaan iyo mucaaradka kaddib shirar labadii maalin  ee ugu danbeeysay dhinacyadaas uga socday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ah halka la doonayo in khilaafka lagu dhameeyo.

Shirka lama cayimin waqtiga rasmiga ah ee uu dib uu furmayo, waxaana uu dhexmarayay dhinacyo kala matalayay madaxweyne Salva Kiir iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas Riek Machar, iyadoo shirka hakadka galay ay goob-joogayaal ka ahaayeen xubno koormerayaal ah oo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo waliba Midowga Afrika.

Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya iyo madax kale oo ka tirsan urur-goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya ku jirto  ayaa dabada ka riixayay in la wada hadlo si meesha looga saaro khilaafka, isla markaana loo gaaro  heshiiyo rasmi ah oo ku aadan arimaha colaadda.

“Arinta kaliya ee loo baahanyahay ayaa ah in dhinacyada sida rasmiga ah uu khilaafka uga  dhaxeeyo ay yimaadaan Addis Ababa,” ayuu yiri wariye ka tirsan BBC-da oo ku sugan magaalada Jubba ,iyadoo wali ay sii kordhayso cabsida laga qabo in mucaaradka ay saamayn ku yeeshaan goobaha ay dowaladdu maamusho.

Heshiisyada la rajaynayay in ay wada gaaraan labada dhinac waxaa ku jirtay  xabad-joojin la dhex-dhigo kooxaha hubaysan si loo bad-baadiyo dadka shacabka ah ,waxaana rajadii arintaa laga qabay ay mugdi gashay kadib markii uu dib u dhac ku yimid wada hadalladii ka fool-ka foolka ahaa ee dhex-mari lahaa Salva-kiir iyo Machar.

Wasirka arimaha dibadda Koonfurta Suudaan Barnaba Marial Benjamin ayaa kooxaha mucaaradka ku eedeeyay in ay kala dhantaalayaan hanaanka wada hadal ee loo baahanyahay,waxaana uu intaa ku daray in dagaallada ay ku barakaceen dad gaaraya 180,00 oo ruux.

“Dadaallada socda ee wada hadallada ah waa mid ay bulshada caalamka ku doonayso in xal la helo ,waana rajeynayaa hadii ay taa dhacdo in miro wanaagsan ay ka soo bixi karaan “ayuu yiri Machar oo la hadlayay Daily Telegraph,isagoo muujiyay awoodda ay kooxdiisa u leedahay in la wareegto guud ahaan wadankaas.

Ugu danbayntii hadii ay dib u furmaan wada hadallada dowladda iyo kooxaha mucaaradka ah ayaa suurtagal ay tahay in khilaafka la soo yareeyo, waxaana afhayeen maanta dowladda u hadlay uu sheegay in muddo 24-saac gudaheed ah ay dib ula wareegi doonaan magaalada Bor oo ah meel istiraatiiji ah.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]