4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2014
Doorashadii Guddoonka Baarlamaanka cusub ee Puntland oo wax yar ka hor kusoo gaba-gabowday Magaalada Garoowe


Santi, Janaayo 04, 2014 (HOL) — Waxaa goor-dhaweyd soo gaba gabowdey doorashadii guddoonka Golaha Wakiillada ee Puntland oo maanta ka dhacday xarunta Baarlamaanka ee magaalada Garoowe.

Doorashadan oo saddex wareeg ka koobnayd ayaa qaybta hore lagu doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland. Xilka guddoomiyaha golaha wakiillada oo ay shan murashax u tartameen waxaa ku guuleystey Xildhibaan Siciid Xasan Shire.

Qaybta labaad ee doorashada waxaa lagu dooranayey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada ee Puntland, waxaana xilkaas oo sidoo kale ay shan murashax u tartameen ku guuleystey Xildhibaan C/xamiid Sheekh C/salaam.

Qaybta saddexaad ee doorashada waxaa lagu dooranayey guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka, xilkaas waxaa u tartamay labo murashax, waxaana ku guuleystey Xuseen Yaasiin Diiriye.

Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa la dhaarin doonaa maalmaha soo socda, waxaana maalinta berri ah uu Goluhu yeelan doonaa kulan uu ku ansixinayo hab-raaca guddiga xildhibaanada ah ee maareyn doona doorashada madaxweynaha iyo weliba madaxweyne ku-xigeenka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya