4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2014
Ciidamada Gaarka ah ee Amniga Somaliland oo xabsiga dhigay guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer

Sabti, Janaayo 04, 2014 (HOL) — Ciidamada RRU-da ayaa la sheegay inay habeen hore gurigiisa magaalada Burco ee xarunga gobolka Togdheer ay kala baxeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolkaas, Guuleed Daahir Samatar, isla markaana xabsiga u taxaabeen.

Illaa hada lama  sheegin sababta dhabta ah ee loo xidhay siyaasigaasi, haseyeeshee wararka qaar ayaa sheegay in lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey rabshaddo dhowaan ka kala dhacay Magaaladda Oodweyne iyo Burco.

Dhinaca kale, Ifraax Diiriye Budhle oo ah xaaska gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer ee xabsiga loo taxaabay ayaa sheegtay in si argagax leh Ciidaamdu ugu soo daateen wakhti ay hurdeen, isla markaana ay caruurtii sas ka qaaday oo qaarkood Kooma galeen.

Marwo Ifraax ayaa ciidankaaasi ku eedeeysay inay khasaare soo gaadhsiyeen hantiddii guriga, isla markaana si fool xun u rafaceen alaabtii guriga taalay oo qaarkood la jajabiyey.

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda xukuumaddu kama hadal xadhiga loo gaystay siyaasigaasi, iyadoo  in badan xukuumaddu ku celcelisay in aanay wali xidhin qof siyaasi ah, haseyeeshee talaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee xukuumadani ku kacdo, iyadoo wararku sheegayaan in siyaasigaasi loo soo dhaadhiciyey dhinaca Berbera ee gobolka Saaxil.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland