4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2014
Qarax ay ku dhinteen Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda iyo Qof rayid ah oo Maanta ka dhacay Degmada Yaqshiid ee Muqdisho

Sabti, Janaayo 04, 2014 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay qarax maanta gaari ay wateen ciidamada dowladda Somalia lagula beegsaday degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsanaa ciidamadii gaariga la socday iyadoo qofka kale ee dhintayna ay ahayd haweeney rayid ah oo goobta ka dhawedy, waxaana ku dhaawacmay laba askari oo kale.

Goobjooge ku sugan xaafadda qaraxa lagula beegsaday gaariga ciidamadu wateen ayaa u sheegay idaacadaha Muqdisho qaarkood inay qaraxa uu ahaa mid miino oo aad u xoog badan uuna haleelay gaarigii lala beegsaday.

“Xaafadda uu qaraxu ka dhaacay waa carrafaat waxaana qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay lala beegsaday mid ka mid ah gaadiidka ciidanka dowladda, waxaan arkay dhimashada labada qof oo kala ahaa sakari iyo qof dumar ah,” ayuu yiri goobjoogaha.

Sidoo kale, goobjoogaha wuxuu sheegay in laba askari oo kale uu dhaawc ka soo qaatay weerarka, iyadoo gaarigii qaraxa lala beegsaday uu qaybo ka mid ah burbur soo gaaray.

Maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaan qaraxaas weli ka hadlin, iyadoo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo goobta uu qaraxu ka dhacay gaara ay sameeyeen baaritanno ay kusoo qabqabteen xubno looga shakisan yahay inay weerarka miino ku lug lahaayeen iyo hub ku kaydsanaa guryo xaafaddaas ku yaalla.

Qaraxan miino oo aanay jirin cid sheegatay ayaa haddana wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula beegsado sannadkan cusub magaalada Muqdisho.

Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa oo ku yaalla waqooyiga Muqdisho ayaa lgau tiriyaa goobaha ay ku xooggan yihiin xoogagga Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda  Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee gacanta siinaya.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarro ismiidaamin ah oo kowdii bishan Jannaayo ee sannadkan cusub lagu weeraray hoteela Jasiira, kuwaasoo ay ku dhinteen 11-qof oo ay ku jireen taliyeyaashii saldhigyada booliiska degmooyinka Wardhiigley iyo Shangaani ee gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya