4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2014
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya (SAWIRRO)


Sabti, Janaayo 04, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay, iyagoo kawada hadlay xiriirka u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya.

Mudane C/weli ayaa uga mahadnaqay danjire Kay taageerada Qaramada Midoobay ee ku aaddan dib u dhiska dalka, wuxuuna xusay inuu rajaynayo in lasii xoojiyo dhammaan dadaalladda lagu samata-bixinayo Soomaaliya. Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha iyo ergayga gaarka ah ayaa isla soo qaaday magacaabidda golaha wasiiradda, qorshaha higsiga cusub iyo sida dowladda ay uga go’an tahayu diyaar-garowga doorashooyin dhacda sannadka 2016-ka.

“Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay waa mid soo jireen ah. Waxaan soo dhaweynaynaa taageerada ay Qaramada Midoobay u fidiso Soomaaliya, waxaa jiri doona shaqo ballaaraan oo dhaxmari doonta QM iyo dowladda Soomaaliya sannadkan cusub, gaar ahaan qorshaha amniga iyo dib u dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare C/weli.

Labada dhinac waxyaabaha ay ka wada-hadleen waxaa ka mid ah sidii loo ballaarin lahaa howlgallada amniga ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab, kaddib markii dhawaan uu golaha ammaanka ee Qaramda Midoobay si rasmi ah u ansixiyay kordhinta ciidamada AMSIOM iyo taageerada ku wajahan qalabeynta ay u baahan yihiin ciidamada Soomaaliyeed. Danjire Kay waxaa uu la qaybsaday ra’iisul wasaaraha tacsida dadkii ay dhibaatadu habeen dhaweyd kasoo gartay weerarkii lagu qaaday hoteelka Jasiira.

“Ciidanka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa AMISOM waxay sii xoojin doonaan weerarrada lagu qaadayo deegaannada ay Al-Shabaab sannadkan cusub,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa ku daray.

Kulankan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo dhexmara ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo dajire Kay, iyadoo Qaramada Midoobay ay dhawaan soo dhaweysay magacaabidda ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo kalsooni siintiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya